Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaadan-Waa Culus .. Bin Salmaan Oo Baqdin Iyo Badbaado Awgeed Bartanka U Fariistay Heshiisyo Trump Ku Dabray Oo Bahalo Galeen Ah

Wednesday - November 21, 2018



Warar lagu kalsoon-yahay oo laga helay ilo loo badinaayo in laga soo xigtay madaxtooyada Guriga Cad ee Mareykanka ayaa sheegaya in si qarsoodi ah beryahaan-ba gorgortan lagula jiray Dhaxal-sugaha boqor-tooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan taaso la doonaayey in xujada iyo eedeynta loo haysto ee dilki khashoogi si hufan oo turxaan bixin ah lagu badbaadiyo laakiin in la difaaco waxaa ka horeysa in u isaguna heshiis saxiixan la galo maamulka Trump .

Masuullin ka wakiila madaxweyne Trump oo yaqaan dawga loo maro gor-gortanka iyo qaabka heshisyada loo qoro ayaa soo hordhigay Maxamed Bin Salmaan inu laba arimood midkood ogolaado, kuwaaso ah inu kala doorto in Eeda dilka isaga si toosa loogu maxkamadeeyo, ama saxiixo wixii Trump ka rabo, taaso ugu dambeyn Maxamed Bin Salmaan oo maalmahaan dambe dibnihiisi ku waashay sidi wax waalan, arintiisu noqotay i-bixi-yoow i-bixi iyo geed u istaago waayey ayaa ogolaaday inu heshiiski laga rabay oo qodobeysan saxiixo .. heshiiskaas quraan dijaalka ah ayaa qaar ka mida si dadban loo ogaaday waxaana ka mida: 

1- Inu Xirrir toosa la yeesho Sacuudiga dawlada israaiil isla markaana nabad-galyadeeda har u noqdo
2- Inu Qorshaha Qarniga Trump u ku daadihinaayo xalinta Falastiin gacan iyo garab ka geysto
3- in Dawlada Sacuudiga ay kaalin fir-fircoon ka qaadato colaada lagula jiro iiraan
4- in la dagaalanka argagixisada islaamiistaha gaar ahaan Qaza iyo xisbulaah ka geysto hiil iyo hooba
5- In si joogta ah dawlada Sacuudiga Ugu Faruur-xirnaato siyaasada Trump 
6-  iyo in sooryada kiishka lacagta ee xuquda difaaciisa si Nacam-Nacm ah ugu godlado Trump 
7-  iyo waxyaaba kale oo aan la soo koobi karin sida hoos u dhigida sicirka shidaalka

Madaxweyne Trump oo lagu yaqaan Nin aan diir hambeyn danihiisa awgeed nina u daneyneyn kana ambaqaadaya heshiiskaas loo saxiixay ayaa warkiisi gabagabada ku sheegay in Maxamed Bin Salmaan aysan jirin wax cadeynaaya inu ku lug lahaa dilka Khashoogi, balse wuxuu yiri waxa aad la karkareysaan iyo ereyda la qor-qoraayo ma ahi nin aqbalaya oo danta Mareykanka ayaan eegaya, wuxuu kalo sheegay in warka CIA-da u yahay mid xasaasi ah, laakiin aan weli lagu qancin

Dhinaca kale wararka Sirta oo la helay ayaa intaa raaciyey in sir-doonka CIA Mareykanka warki warbixinta u ka soo saaray cidi ka dambeysay dilki khashoogi oo ay ku karbaasheen in Maxamed Bin Salmaan u isagu ka dambeeyey amarki wax lagu dilay ay ahayd qorsho loogu tala galay in lagu baqsado ina Salmaan si looga saxiixdo heshiis lagu duleynaayo isla markaana Sacuudiga xag walba dhiiga looga miirto.