Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qoraaga Caanka Ah Tomas Friedman Oo Ku Tilmaamay Trump Nin Aan Danihiisa Gaarka Ah Ka Miriq-saneyn Oo Ku Caan Baxay Sida Loo Abuuro Midab Beenaadka Biyaha U Eeg

Thursday - November 22, 2018



Qoraaga Caanka ah ee Mareykanka Tomas Friedman ayaa qoral u ku soo daabacay New York Times si ba'an iyo ereyo xun ku weeraray madaxweyne Trump, wuxuuna tilmaan ahaan ku cabiray inu yahay nin waalan oo marba marka ka dambeysa sii afar qaadaya kolba buur isku qaadaya isla markaana leh laba sifo xun xun oo midi tahay Axmaqnimo iyo tan kale oo ah Akhlaaq la'aan aan ku wacneyn hogaaminta Ameerika .. Trump wuxuu ku dhaqaajinaayo amase ku hadlaayo waa dhalanteed iyo wax aan jirin oo wuxuu sheegaya ama u umada Aduunka ka gadaayo waa sida loo abuuro kale midab beenaadka biyaha u eeg ayuu Freidman Qoralkiisi ku yiri  

Tomas Friedman ayaa isago sifeynaaya garashada iyo farsama xumida Trump, wuxuu yiri:  Trump wuxuu farta saaraba waa khasaaro oo wuxuu iibiyey karaamadi, haybadi iyo qiimihi "American Values" isago aan ku badalan wax qiimo leh oo la taabankaro, balse Trump mar haddu for free hagardaamadi iyo dabinki u shaqlay ina Salmaam dabool ku hagoogay, waxay ahayd in difaaciisa ku xiro shuruudo la xariira in Maxaabista Dumarka iyo Raga bilaa micnaha jeelasha Sacuudiga ku xiran ka si daayo, isla markaana waxay ahayd inu ogoleysiyo sidi dagaalka Yaman loo joojin lahaa, iyo sido kale inu xayiraada ka qaado dalka Qadar

Friedman Ayaa isla markaa qoraalkiisa ku carbaabay in madaxweyne Trump ay ahayd in markii u safaarada US u soo raraayey Magalada Qudus-Jerusalem ay iyadana ahayd inu israaiil-yiinta ku xiro shuruud lagu hakinaayo dhismaha Yuhuud ay ka wado dhinaca daanta galbeed " West Banka"
Fridman ayaa warkiisi ku soo koobay in Madxweyne Trump ogaaday in isaga cidi Rabin sidaa awgeed u danti guud Ameerika ka doortay xoogaa durdur doolar dhiig leh u sahansaday oo wax ay u kordhineyso aan ceeb ahayn aysan jirin.