Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Halganki Kursi U Dirirka Konfur Galbeed .. Shan Musharax Oo Tartanka Madaxtinimada U Taagneyd Oo U Tanaasushay Mukhtaar Roobow

Sunday - November 25, 2018


illaa shan Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa galabta ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen tartanka doorashada.

Musharaxiintan oo la baxay Isbedel Doon ayaa u tanaasulay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo isaga qeyb ka ahaa golaha is bedel doonka.

Bayaan si wadajir u saareen ayaa waxay ku shaaciyeen inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Golaha Is bedel doonka Koofur Galbeed ayaa waxay isugu jireen siyaasiyiin horay xilal wasiir uga soo qabtay dowladda Federaalka iyo rag ka soo shaqeeyay hey’adaha caalamiga.

Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kala ah;

1- Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya

2- Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

3- Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah.

4- Yuusuf Baadiyow, xildhibaan hore oo federaalka ah

5- Musharrax Xuseen Kushuk

Dhammaantood waxay sheegeen in ay garab siin doonaan Mukhtaar Roobow sidii uu kursiga ugu guulaysan lahaa.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhici doonta 5 bisha December ayaa waxaa sida muuqata ugu cad cad Xuseen Cusmaan Xuseen oo ahaa Taliyihii hore Nabadsugida, Mukhtaar Roobow iyo C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharax ay taageereyso dowladda Federaalka.