Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wadaadkii Ku Haw-hawleyn Jiray Waa La ila Hadla Oo Shad Iyo Hoog Looga Dhigay Bomb Wax Guba Iyo Xertiisi Oo Tri: Maya Burdaa Baaruud Lagu Reebay Oo Shiikheeni Jabuuti Ayuu Ka Soo Nef-tuuraya

Monday - November 26, 2018


Dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay qarax is-miidaamina iyo weerar kooxda Al-Shabaab ku qaadeen guriga Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi Afyare ee koofurta Galkacyo.sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Galmudug oo goobta tegay. 
Sheekh Cabdiweli ayaa sida la sheegay qaraxii 1-aad ku dhintay, kadibna dableey hubeeysan oo ka tirsan argagixisadda al- Shabaab ayaa gudaha guriga uga daatay oo rasaas badan halkaas ku furtay

Dableeyda weerarka soo qaaday oo aheyd Seddex Nin ayaa laba ka mida la dilay , halka kii seddexaadna la qabtay isagoo dhaawaca.

Shiikh Cabdiweli ayaa mudooyin-kaan dambe lagu eedeynaayey inu xadka caqiida islaamka ka baxay oo sheegtay ila heer Nabinimno, isla markaana xaruntiisa ka sameeyey gogol lagu bulsheeyo oo qaadka lagu ruugo iyo gabdho dhoola cadeynaaya, waxaa kalo la tilmaamay in biishiiba xaga Nairobi looga soo xawili jiray lacag gaareysa 15 kun doollar oo cid soo dirta aan la garaneyn, hasa ahaate wadadkaas marar badan ayuu warbaahinta ku sheegay in warkaasu yahay dacaayad aan sal iyo raad lahayen.

Dhinaca kale kooxo shiikhaas dariiqadiisa ku faruur-xiran oo ku sugan degaanka gaalkacyo ayaa goobaha dadka ku kulmaan warkaan ku baahinaaya: Shiikh Cabdiweli Aakhiro uma kicin ee xarfad baas iyo mucjiso daahsoon ayuu ku baxsaday, oo wuxuu ka soo hadlay Jabuuti isagoo yiri: Awliyada laga careysiiyey Caawa waa la kala soocaya Caabud iyo Gaal .. Weligey Waa La ii Warjeefi jiray, Waana ka Kaban Jiray, Waan Noolahay Ee Tacsi Yaan La ii Dhigin.