Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

In Abeeso Bahal Hoose Tahay Ruux Ajalay Baa Og .. Abyi Axmed Wacad Ma Leeyahay

Tuesday - November 27, 2018


Waxaa la yiri Mas iyo reer ayaa meel wada degay. Markii lays arkay ayaa cabsiyi timi oo la kala baqay. Dhowr jeer ayaa Reerki isku deyay inuu Maskii dilo; umaysi suuro gelin. In muddo ah wax sheed layska eegtoba, Reerkii oo aroos diyaarinaya ayaa Maska meel dheer kala hadlay. Wuxu ku yiri: "Waar, cabsi joogto ah kuma jiri karo eh, aan heshiino, oo wacad Alle Aan galno in aynu is nabadgelino oo xiriir fiican yeelano"

Wacadkii ayaa reerkii iyo Maski wada galeen. Iyaga oo cabsidii ay Maska ka qabeen ka baxday, ayey u jeesteen farxaddii arooska iyo nabad kadibna dabaaldeg ayaa lagu seexday, Hasa yeeshee, nimcadi ma sii waarin oo Maskii caruuskii ayuu qaniinay oo dilay. Waana baxsaday.

Isaga oo firxad ah oo la daba joogo ayaa waxa uu ku soo baxay nin socoto ah. Wuxu ku yiri, "Waar ninyahaw i magan-geli dad baa idaba socda oo doonaya inay i dilaan eh.” Ninki wuxu yiri: "Mas baad tahee sideen kuu aaaminayaa? Maski ayaa ku jawaabay "Wacad alle ayaynu gelaynaa"  

Maskii Iyo Ninki Wacadkii ayay geleen. Ka dibna intu Maski ninkii koray ayuu qoorta iska duubay. Halkii cabsidu joogtay markay ka fogaadeen, ayuu ninki maski ku yiri, "Kaa soo fogeeyay halkii cabsidu taalayay, hadaba soo deg oo iska nabad-gal" Maski wuxu u celiyay, "Waar weli nabad ma arko eh, inuu wacad Alle inoo xirmo iyo in kale, dad iyo duunyo saddexda inoogu soo horeeya aan arinkeena hor dhigno oo ha ka garnaqeen"

Ninkii oo doonaya sidii uu naftiisa ugu badbaadin lahaa Maskan luqunta iska duubay ayaa yiri, "Bal waayahee ina wadi." Markii u horaysay waxay ku soo baxeen Awr duq ah oo socon-kari waayay oo meel looga guuray .. Awrkii ayay u sheegeen arrin-koodii. Ka dib markii labadiiba u dhagaystay ayaa Awrki yiri: Labadiinuba waad aragtaan xaaladayda. Intaas oo sanadood ayaan Rag u adeegay oo Marna xaga taranta Geela ugu filaado, marna rarka iyo reerka u qaado, marna u dhaamiyo. Maalintii aan hawlgabay ee aan dhaqaaqi-kari waayayna, cidlada aad aragtaan ayuu igaga tegi. Masow, inan Rag wacad malaha eh, ninka dil! 

Markii labaad waxay ku soo baxeen oday da’ ah oo isna keligii meel fadhiya. Arrinkoodii ayay odaygii hor dhigeen. Odaygiina wuxu ugu jawaabay, " Waad i aragtaan oo kaligii ayaan halkaa kuududaa. Waan dhaqay oo aan dhalay. Kuwii aan dhalay iyo kuwii ay dhaleen iyo xoolahaan dhaqayba cidlaadaasi ayaan ka joogaa. Masow, inan Rag wacad malaha eh, ninka dil.

Mar saddexaadkii, oo ah markii u dambaysay garnaqa, ayaa Maskii iyo Ninkii ku soo baxeen Dawco. Dawacdii ayay arrinkoodii hor dhigeen. Dawcadi waxay ku tiri: “Anigu wax isku raran uma garqaado ee bal horta kala dega.” Maskii ayaa ninka qoortiisii ka soo degay oo dhulkii fariistay. Dawacdii ayaa ninkii ku tiri, “Waar ka degye hadaba iska celi Maska!!!