Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jaceylku Xuduud Iyo Ixtiraam Ma Leh .. Qisadi Jamaal Cabdi Naasir Inti Aanu Xilka M/weyne Qaban Iyo Sidu Ku Jeclaaday Gabar U Dhalay Saaxiibkiis Iyo Diidmadi Ku Timi

Wednesday - November 28, 2018


Geesigi Jamaal Cabdi Naasir, madaxweynihi wadaniyada Carbeed astaanta u noqday ee dalka Masar ayaa inti aanu xilka qaban oo u ka tirsanaa ciidanka xooga, waxaa u si Aad ah u imaan jiray guriga saaxiibki Cabdilxamid Qaasim oo ahaa ganacsade isir-kiisu hore ka soo jeeday dalka iiraan, laakiin Da' ahaan labadooda aad ayey u kala weynaayeen

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Jamaal isagoo saaxiibki la fadhiya waxaa u soo gashay oo Shaah u keentay Gabar u dhalay Cabdixamiid oo Shaah u sida Aabaheed saaxiibkiisa martida u ah.
Qacdi kowaad ee Jamaal uu indhaha ku dhuftay Gabadha u dhalay saaxiibkii ee Shaaha u siday, waxaa markiiba lagu taagayWaran Caashaq.

Malaha waa run oo jaceylku Xuduud iyo Xakame ma ixtiraamo ee Jamal waxaa u bilaabay inu badiyo booqashada gurigi saaxiibki isaga oo markaan kaliya si gaara u xiiseynaaya in u arko mar kale inantaan Fatxiya Cabdixamid Qaasim, si uu u qaato go'aanki kama dambeysta ah ee guur.

Waana ay dhacday oo saaxiibkii ayaa u maalinti dambe si bareer cad uga codsaday in uu Gabadha ku daro, hasa ahaate Cabdixamiid oo isagu ahaa ganacsade waa u xaal ogyahay saaxiibkii Jamal in uu yahay askari waliba aan darajo aad u sareysa lahayen sidaa awgeed isaga iyo wiilashiisi inti talo ku jirtay ma ay jecleysan in ay gabadhooda siiyaan Jamal oo waxay ka shakiyeen in uu xita nolosha gabadha iyo qoyskeeda abuurmaya damaanad qaadi-karo, ma daama oo mushaarkiisu aad u yar yahay dakhli kalana aanu lahayen

Si kastaba ha ahaatee gabadhi wa ay u bandhigeen taladooda diidmada ahayd, laakiin waxay gabadhi xuriyad u siiyeen in iyaduna dhinaceeda go'aan ka gaarto dalabka Jamaal.
Fatxiya sida Aabeheed iyo walaaleheed maba ay walaacin ee si dhaqso ah ayey ku tiri in ay diyaar u tahay guurka ninkaan Jamaal, Dabadeed muddo laba bilood gudahood ahna guurki ayaaba dhacay.

Jamal Cabdi Naasir oo ahaa madaxweynihi labaad ee jamhuuriyada Masar waxaa u talada hayey Afar iyo Toban sano ee u dhaxeysay 1956 illa 1970, waxaa u xilka qabtay isaga oo 38 jir ah, laakiin maalinti u guursanaayey Fatxiya Cabdixamiid Aabaheed iyo wiilasha u dhalayba oo saluug ku jiray iyo iyada lafteedaba iyo xitaa Jamaal Cabdi Naasiir laftiisa ma ay fileyn inu Jamaal noqon-doono madaxweyne  Quluubta caalamka gilgila iyaduna marwada kowaad ee dalka Masar naqon-doonto