Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Boqorki Mililik Iyo Xayle Oo Ku Guuleystay Qabsashadi Harar, Dirirdhaba Iyo Hawd Reserve Area .. Mingistu Iyo Zenawi Oo Dacifiyey Ciidanki Iyo Abyi Oo Qaab Is Dhex Gal Oo Ka Duwan ...

Thursday - November 29, 2018



Jeneral Burhaanu oo ah Taliyaha Ciidanka Bada ee Itoobiya Ayaa dhawaantaan Yiri: Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaan-kooda inay ciidamo Badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga hadaan nahay itoobiya maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” 
Janaraal Burhanu oo intaa warkiisi si raaciyey ayaa haddana carabka ku dhuftay in Hogaanka Raysal Wasaare Abiya Axmed uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo Badeed oo xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.

Bal Fiiri, Marka la isku geeyo hadalkaa sare ee taliyaha Bada itobiya iyo hadalkii ay hore u tiri Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee Afrika Janday Frazer oo ahayd Habar Aaminsan Diinta Restafeeriyaan-ka iyo inuu shaydaan Bob Marley yahay nebi madow ayaa tiri: in Itoobiya oo Boqol Milyan ahi ay Badd la’aan noqoto, xeebihii Geeska Afrikana ay dadyow tiro yari haystaan macquul maaha”.

Markii ay reer Yurub qabsadeen Afrika ee ay Boqortooyadii Itoobiya ku hungowday in qaybsiga laga Talo-geliyo ayuu Boqor Mililik u qoray Reer Yurub waraaq caan ahayd oo ku leeyahay "haddii Yurub ay qaybsatay Afrika aniguna noqon mayno daawade, gacmaha ka laabta". Hanjabadaasi wuu kaga dhabeeyey oo waa kii qacdii horeba qabsaday Harar illaa Iimey oo Soomaalidu lahayd.

Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhamaantood waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqor-tooyadooda oo aanay weligood Maamul yeelan. 
Buugga ku magacaaban “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono:
 
- Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba
- Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area
- Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya
- iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay.
- Abyi Axmed isna weynu eegi doonaa waxa ay taariikhda itoobia ku xusto

Wakhtigan aynu joognana Raysal wasaaraha cusub ee Abiya Axmed wuxuu wataa hindise qaab is-dhexgal ah ay Itoobiya si nabadgeliyo ah ay Soomaalida u liqdo. Hindisihiisa waxa saldhig u ah kelmad af-gobaadsi ah “ waa in la iska iloobo colaadihii hore uga dhexayn jiray Itoobiyaanka iyo Soomaalida”.

Waana siyaasaddii boqorrada oo qaab qabow loo dhigay. Markii uu ka soo laabtay safarkiisii koowaad ee Muqdisho ku tago wuxuu yiri “ In labada ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku noqonayaan hal Dal oo leh hal madaxweyne ..  Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika.

Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac Dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaaran oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhamaystiray.

Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. 
Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble waxuu xusay: in Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yiri shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa.