Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Booc Baa Laysgu Tukubaya .. Hogaanshihi ONLF Jeneral Maxamed Cumar Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Adis-Ababa

Saturday - December 1, 2018


Addis-Ababa -Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Ururka ONLF iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

ONLF ayaa horay looga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu waddaa in ay  wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood,waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaradaha ee Hilton.
OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.