Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xagebu Ina Salmaan Caga Dhiganayaa .. Sinatarada Dalka Mareykanka Oo Dilki Khashoogi Dusha Ka Saaray Maxamed Bin Salmaan

Wednesday - December 5, 2018


Qaar ka mid ah xildhibaannada dalka Mareykanka ayaa sheegeen in iminka in ka badan sidii hore ay u rumaysan yihiin in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu door ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Sanatarada ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay kulan gaar ah la yeesheen saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Weerar dhanka afka ah oo uu Sanatar Lindsey Graham ku qaaday dhaxal-sugaha ayaa waxa uu ku sheegay “in kalsooni sare uu ku qabo” uu ku lug lahaa dilka wariye Jamal Khashoggi.

Sanatarka ayaa ku tilmaamay boqortooyada Sacuudiga in ay yihiin “kuwa waalan oo halis ah”

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegta in dilki wariye Jamal ay u maxkamadeysay 11 qof, Balse dowladda Sacuudiga ayaa beenisay in dahaxal-suge binu Salman uu ku lug lahaa dilkaasi.

Xubnaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka Sanet-ka lama aysan gabban erayadooda ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha hay’ada CIA Gina Haspel.

Sanatar Lindsey Graham ayaa sheegay in uusan taageereyn dagaalka Sacuudiga ay ka wadaan Yemen ama in hub laga iibiyo xukuumadda Riyad inta uu awoodda hayo dhaxal-sugaha.

Sanatar Bob Menendez, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa dhankiisa wariyayaasha u sheegay "in uu iminka ku qanacsan yahay si ka badan sidii hore" in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu masuul ka ahaa.

Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay qasab tahay in ay diraan farriin cad oo ah in ficilada noocaas oo kala ah aan la aqbali Karin marka la eego marxaladda uu maanta caalamka marayo”.

Sanatar kale oo lagu magacaabo , Bob Corker, ayaa wariyayaasha isna u sheegay: “in aysan maskaxdiisa wax su’aal ah uga jirin in dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka.”

Sanatar Bob oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa intaa ku daray “in haddii maanta Binu Salmaan la horkeeni lahaa garsoore in 30 daqiiqa gudahod dambiga loogu heli lahaa.”