Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dhooftay Nabadi Baydhabo .. Konfur Galbeed Waa Gubaneysa Dhiiguna Waa Qul-qulaya .. Mogdisho Lafteeda Waa Hinqaneysa

Friday - December 14, 2018



Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada bulshada Magaalada baydhabo ay dareen colaadeed ka wada siman-tahay oo gashay mugdi iyo walaac oo dhinac walba khatar ka jirto, waxaana la saadaalinaaya in maalmaha soo socda ay xaaladu isu badali-doonto dagaal hubka dhaca la isu adeegsado.

Waxaa la sheegaya in khadka isgaarsiinta ay si joogta ah ugu jiraan xildhibaano ka soo jeeda konfurta galbeed oo guuxa iyo reenka ka baxaya ay barbaarta bulshada ugu baaqayaan Ajar iyo Jihaad birta loo afeysto oo ay hubka qaadaan oo dhinacooda dagaalka ka huriyaan.

Waxaa kalo wararku sheegayaan in Shariif Xasan oo markaan ku sugan Nairobi ay khadka taefoonka si joogta ah isugu xiran-yihiin xildhibaanada konfurta ee federaalka iyo gaar ahaan odayaasha guurtida dhaqanka ee baydhabo jooga ..  Shariifka oo sidi Maska waabaayada dhan walba u seyraya, ayaa ku baaqaya nolol aan xarago wadan yaan la yeelin oo bac-bacda iyo boox-boox la badiyo, si ciidamada fedaraalka iyo kuwa itoobiyaanka dhaqso uga hayaamaan magalada

Warka ayaa inta ku daraya in ciidamada guutada Cas ee itoobiyaanka amar uga yimi xaga Adis-abaaba lagu amray iney magaalada gudaha u galaan oo illa xad isku dayaan iney magalada qalalaasaha ka fududeyaan, waxaa kalo lagu soo amray iney khasaaraha yareyaan oo iska ilaaliyaan dad aan hubeysneyen iney laayaan.

Dhinaca kale Maamulka Fedaraalka iyo xildhibaanadi Konfur weli faraqay is haystaan oo inta badan wada hadalka ayaa meel dhexe ku istaaga, waxaana afgarasho-la'aanta sabab u ah qolo kasta oo dhinaceeda ku adkeysaneysa aragtida ay ka qabto qaabka nabada loogu soo dabaalaayo Baydhabo .. xildhibaanada Konfur oo ber-yahaanba Girif- girif-toodu badantahay ayaa ku andacoonaya in maamulki Konfur sidi Baasto loo duubanaayo, oo hadaan la soo deyn Mukhtaar Roobow aan halkaas marna nabad ka dhaceyn .. Halka dawladu ku andacooneyso in Roobow u weli ka tirsan-yahay Al-shabaab.

Gudoomiyihi Baarlamaanka Mursal isagi oo dhan Ciil-yuura ayuu isu badalay, waxaana laga soo sheegaya inu yiri: Qofka noloshiisa waxaa ka hara Raad iyo Taariikh waarta aan la tir-tiri-karin, oo aniga waxaa maanta Taagan saadaal quman ayaan horay uga bixiyey, oo haddi layga yeeli lahaa waxa dhacayba malaha may dhaceen, maxayse caawa ka hayaan waa taa taladi seegtay, waxaa jira ayuu yir: shakhsiyaad ka mida madaxda qaranka oo waxaan la garaneyn afka la taagaya, oo maamulki ku cuslaaday kuna dawakhmay, iyagi xabaasha isu qodaaya oo wixii nabada keenaayey hortaagan.

Dhinaca kale War Habqan ah oo kolba meel lagu dhufanaayo ayaa sheegaaya in Dadkii Mogdisho fajac ku jiraan iyadoo isla markaa la tilmaamayo in mucaaradkii saacad ka saacad u si badanaayo, mana muuqato ila hadda laaciibin culus oo muraankaa jira wax ka furdaamiya.