Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xog Daahsoon .. Ardaaladi Cuqubada Digay Naf Daahira Lagday Dabinka U Dhigay Suxufi Khashooji Oo Xabsi Dhexdiis Baroorti Kaga Dhamaatay

Friday - January 4, 2019


War u Twitter-kiisa ku soo daabacay Al-Mujtahid ee caanka ku ah dabagalka iyo xogta boqor-tooyada Sacuudiga ayaa sawir ka bixiyey in Kooxdi fajaca ee sida waslad-waslada u jarjaray Suxufi Khashoogi ay markaan ku jiraan xaalad mixno si wacan u dhigatay oo laga yaabo iney is dilaan .. waxaa la sheegay iney dhawr jeer qaarkood isku dayeen iney is ceejiyaan.

Al-Mujtahid ayaa sido kale sheegay in kooxdaas xaalkooda sidi hore loo maleynaayey wey ka duwan-tahay oo markaan dhamaantood waa la xiray, waxayna ku jiraan xabsi gaara si adag loo ilaaliyo kuna yaal dhinaca loo aado wadada Al-Damaam, laakiin Ragaa xiran kuma jiro Ninka kibirka ku durkay ee la yiraah Sacuud Al-Qaxdaani oo horay u ahaa madaxa diwaanka Boqorka, isla markaana lagu eedeeyo inu ahaa hindisihi abaabulki iyo hawlgalki lagu khaarijiyey khashoogi.

Al-Mujtahid ayaa qoraalkiisa wareed ku cadeeyey in xaalada nafsaani ee kooxdaas ay tahay quus iyo Mawdki oo ay meel dhaw ka arkaan, sidaa darteedna qadar dhacay iyo qoomamo ay Ciil-cun, Murug iyo Reenka ka baxaya la midab doorsameen oo marar badan qaarkood sameeyeen isku day dil "suicide", kuwaaso hadal iyo hardiba sidi Dawacada u ciyey Canka laa-laadinaaya waxay cataw ku yiraahdaan: Amiir Maxamed Bin Salmaan waan u guul-wadeynay waase na dagay oo Abaal ka dhac sameeyey, intu hoobaaq noo qoday dhiiqo hoos galnay ayuu na leeyahay idin ma aqaan ee afka dabeysha u dhiga, taaso keentay in si gaara loo ilaaliyo isla markaana 18 takhtar ay si kaltan ah uga hawlgalaan xabsigaas sidi looga badbaadin-lahaa is dil.