Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Itoobiya Oo Sheegtay Iney La Dagaalameyso Qaswadayaal Hubeysan Oo Ka Kacay Gabeedka Gobolka Oromiya

Thursday - January 17, 2019


Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii Shalay ahayd sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaasa ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.

Dowladda ayaa meesha ka saartay eedeymo kaga yimid mid ka mid ah Shanta Garab ee Jabhadda OLF, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u adeegsatay Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay degaannadooda.

Af-hayeen u hadashay Dowladda Itoobiya oo lagu Magacaabo, Billene Aster Seyoum, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalka Saraakiisha OLF, waxanay sheegtay in ay Dowladdu ma’uul ka tahay ilaalinta nabad gelyada iyo sugidda amniga Dalka.

Aster Billene, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay Gobolka Kelem Wollega , halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin tababarna ku qaataan Jabhadda OLF, waxayna Gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay jiranaan weerarro xagga Hawada ah, balse Diyaaradaha qumaatiga u kaca ay u adeegsadeen in ay ku daabulaan Ciidamada ka qayb galaya soo celinta xasilloonida Gobolkaasi.

Mss; Yosef, ayaa Kooxdan ku eedeeysay in ay geystaan kufsi, boobka , iyo Jid gooyooyin baahsan, taas oo keentay in ay Dad badani ka bara kacaan Gobolka Oromiya iyo degaannada ku dhow, waxanay ugu baaqday in ay Hubka dhigaan Dowladdana la furaan wada hadal.

Tan iyo intii uu Xafiiska la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxay Dowladdiisu dagaal kula jirtay Kooxo Hubeysan oo qayb ka ah Jabhadda OLF oo kaashanaya qas wadayaal abaabulan, kuwaas oo diidaday in ay Debka dhigaan, Dowladdana la furaan heshiis iyo wada hadal.