Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xaaski U Ka Dhintay Boqorki Shaah iiraan Amiira Farxa Diiba Oo Ka Hadashay Sidey Reer Galbeed U Lagdeen Boqortooyadi Shaah iiraan Iyo Sidey U Maamuuseen Wadadki Khumeyni

Saturday - Feb 2, 2019



Taariikhdu Waxay Kagaga Waranta Wixii Dhacay .. Haweyneyda la yiraah Amiira Farxa Diiba ee ahayd xaaski u ka dhintay Boqorki Shaah iiraan oo war siineysay Raadiyo laga leeyahay cariga iiraan " Radio farda"ayey ku sheegtay: in war la qabo usan xiiso lahayen oo Boqotooyadi wacneyd ee Shaah iiraan Maxamed Rida Bahlawi u ku baxay shirqool si hoose loo unkamay oo ay talo uga dhamaatay Mareykanka iyo Reer galbeedka, taaso runti ahayd khiyaamo axdi ka bax.

Amiirada Farxa Diiba ayaa warkeedi raacisay in ayaan daro ahayed in war baahinta reer galbeed maraakiib beena u raraan Shacabka Reer iiraan oo Gaas iyo Kibriid dalki sureen, kadib marki Wadadka khumeyni u ku yimi kool-koolin iyo buun-buunin lagu tilmaamay halyeygi kacdoonka iiraan illa laga hirgaliyey in dadkii iiraan la kiciyo isago uu horkacyo Khumeyni dabadeedna caasimada Dahraan laga soo dajiyey oo kadib awood inta sheegtay Ragi dawlada u shaqeynaayey gacan uga aarsaday .. is badal-doon markaad tahay ma ahayn in hogaanka Wadaada iiraan ay awoodooda oo dhan ku dumiyaan wixi dhisan, Balse waxay ahayed wixii dhisan iney wax ku daran ayey Farxa Diiba tiri

Amiirada Farxa Diiba ayaa sido kale tiri: sida hadda ay tilmaamayaan dukumeentada sirta oo iminka banaanka la soo dhigay waxay sheegeysa in Reer Galbeed ay ka shaqeeyeen sidu ku bixi lahaa Shaah iiraan iyo sidi ay dalka ku soo galin lahaayeen Wadadka khumeyni oo markaas Laaji ahaan ku noola daafaha Baris.

Amiirada Diiba ayaa xustay in Qasriga u booqasho mar ugu yimid jeneral Mareykan ah oo nagu wargaliyey inaan dalka Shan maalmood gudahood isaga baxno, sido kale waxaa isna nala ku soo saladay safiirki mareykanka ee iiraan joogay oo isaguna nagu yiri inta goori goor tahay ka baxa dalka, taaso boqorka dhafoor taabasho ku noqotay oo isago xanaaqsan safiirki ku yiri: Waa qiiso iyo yaabe Ma qaxooti baad ii doorteen, safiirki ayaa ku jawaab celiyey oo yiri: Boqorow waxaad doonto sheeg,oo dalka waxaa ka socda kacdoon iyo halgan u diga rogtay mid hubeysan ee ka durug Daadku yuu ku qaadine .. Damiir-laawayaashi Reer Galbeed sidaas ayuu warkoodi ku dhamaaday ayey Farxa Diiba tiri

Warki iyo gabagabo Amiira Diiba waxay hadalkeedi ku soo koobtay in wixii waqtigaas ka dambeeyey Boqorki iyo golahiisa dawlada kala dareer ayey noqotay ..  muddo kadib oo aan mar la kulmay wasiirki arimaha dibada ingiriska ee waqtigaas laaciib culus ka ka ahaa shirqolki socday oo la oran jiray Lord Owen ayaa igu yiri: haddi aan ogaan lahaa in Boqorku Bukaan yahay waan ka dagaalami lahaa waana ka hor imaan lahaa inu meesha ka baxo, taaso cadeyneysa ayey Farxa Diiba tiri in reer galbeedku u ka dambeeyey in aan meesha ka tagno oo ay iyagu khumeyni keeneen.