Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Garasho Iyo Gambo Shilin Wax Soo Saar Nin Aan La Soo Bixin Haddi Guulo Lagu Waabo Soo Af Kala Qaad Ma Aha .. Dhibta Guulwadeynta indhaha La' Iyo Khasaaraha ay Geystaan

Wednesday - Feb 13, 2019



Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa nin Boqor ah oo duurka u ugaarsi tagay waxa uu la kala baxay Leeb iyo Qaansadiisii si uu ugu gano Shinbir geed u dhaw saarnayd .. Kolkii uu ku ganay ayuu la waayay, isla markiiba mid Guulwade ah oo ag boodayay ayaa la soo booday; "Boqor, si wanaagsan ayaad yeeshay!" Boqorkii oo yaabban ayaa Yiri; "Oo maxaan wanaajiyay waaban la waayee!" Ninkii ismaba uu dhibine aayar ayuu ku jawaabay; "Boqoroow lamaad waayine Shinbirta ayaad u naxariistay".

Waxa iyaduna aan taas hore ka fogayn dhacdo kale oo la yaab lahayd ..Waa Madaxwaynihii wadanka Masar, Jamaal Cabdinaasir oo khudbad ka jeedinaya Aqalka Golaha Wakiillada ee dalkaas, kaddib markii kooxo saraakiil Suriyaan ah ay si madax banaani ah midnimadi Masar Ka Goosteen. Waxa uu Madaxwayne Cabdi-naasir yiri isagoo Golaha hortaagan; "Waxa aan amray ciidamadeenna Baddu in ay dhaqaaqaan oo ay Suuriya ku duulaan…” Isagoo halkaas hadalkiisi maraya ayay xildhibaannadii Sacab isla taageen, kolkii ay sacabkii dhammaysteen ayuu hadalkiisii sii watay oo yiri; "Haddana waxa aan ka fakiray midnimada Carbeed oo waxa aan amray ciidamadeenii in ay soo laabtaan!" sidii hore si ka badan ayaa haddana Sacabkii isu qabsaday! Cajiib! .. Guulwadaynta indhaha la’ waa taas ah in laba fal oo iska soo horjeeda daqiiqad gudaheed sacabka loo wada garaaaco!

Guulwadayn kale oo Tusaale noqonaysa, mar dhawaan uu waqooyi Ameerika socdaal ku Yimi mid ka mida ah wasiirada dawlada oo runti xil aanu qaadi-karin lagula kufay, ayaa goob shir ka Yiri " Waligiin idin soo mari-maayo labada Cabqari ee Farmaajo Iyo Kheyre .. waa labo Nin oo Alle isla doontay, oo kuwi beddeli lahaana wali may dhalan" Bal Eeg Wasiirkaas sida guracan u hadlay ee hadana isla saxan, bal eeg sida u ummaddaas dhan uu u caqli caayay u fiirso .. waa la ogyahay berrina kuwa soo socda ayuu sidaas oo kale oran-doona

Doqon Dib Bay Wax Ka Garata .. Dadka noocaas ah ee marwalba la hoos taagan amase hoos yaacaya Madaxda oo ku oranaaya in maamulka ay hogaanka ka yihiin u yahay kan abid ugu wanaagsan ee soo mara bulshada Somaliya. taas soo ma aha munaafaqnimo iyo been la qurxiyo oo loo yeelo sawir ka macaan runta iyo Raad la dado .. Arimahaa waxaa la oran kara waa khiyaamo qaran lagula kacaya bulshada, sidoo kalana si aanay dareen-sanayn waxa ay hoojinayaan madaxda ay ka hoos shaqaynayaan oo haadaamo ay uga tallaabsanayaan!

Go’aanno iyo talaabo badan oo aynu maanta la rafaad-sanahay, waxa hubaal ah in aysan inta ugu badan timaadeen haddii uu ninka talada hayaa helo cid gacanta qabata oo wixii wanaagsan u sheegta, wixii Khalad iyo qorsho maamul xumo ka qabata!