Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qiisadi Boqorki Claudis Ee Roomaanka Iyo Sidu Gawrac Ugu Jiiday Badarigi Jideeyey Fusuqa Iyo Sinada

Thursday - Feb 14, 2019



Boqrki Romaanka ee la oran jiray Claudis-kii labaad wuxuu ahaa boqor awood badan oo kibir awgiis kolba dagaal culus oo aan loo baahneyn galin jiray ciidamadiisa .. Boqorka oo dhisay ciidan awood badan wuxuu galay dagaalo kharaar oo askar badani ku dhimatay, kadib wuxuu u baahday sidii u ku heli lahaa askar fara badan oo dagaalanta, dabadeed wuxuu abaabul iyo diyaar-garow u galay sidii u maamulkiisa u balaarin-lahaa sidaa daraadeed wuxuu qaatay go'aan oranaya: In askarta ay ka fogaadaan wax-kasta oo mashquulinaaya sida Xaaskooda, Dumarka ay saaxiibka la yihiin, Caruurtooda iyo Qoysaskooda sido kale wuxuu mamnuucay guurki.

Kadib Nin baadari ahaa sido kalana ahaa wasiirka Diinta iyo xiriirka Kanisada oo la oran jiray " Valentine" oo ka tirsan maamulka Boqorka, markiisi horana ahaa nin Dumarka iyo gogol-dhaafka madax maray iyo nin kale oo isna la oran jiray" Santa Marius"  ayaa si hoose uga soo hor jeestay amarki Boqorka, waxayna bilaabeen iney sirar qarsoodi ah la yeeshaan dhalinyaradi guur-doonka ahayd waana isu guurin jireen .. Dhaq-dhaqaaqaas qarsoodiga ahaa ee ay horkacayeen Baadarigi Valentine iyo kaaliyihiisi Sant waxay keentay in si qarsoodi ah isugu guuriyaan dhalinyaro badan, sido kale ay sameeyeen xiriir saaxib-tinimo dhalinyarada dhexdooda iyagoo jabinaaya xayiraadi uu u saaray Boqor Claudies labaad ee aan racfaanka laga qaadan-karin.

Hasa yeeshe dabayaaqadi sanadkii 269-kii ayuu fashalmay  qorshihi qarsoodiga ahaa, waana la qabtay Baadarigi Valentine iyo Sant, kadib Boqorki ayaa amar ku bixiyey in si xun loo ciqaabo oo jeelka loo taxaabo oo sidi jeelka loogu dhex garaacayey ayaa Valentine ku dhex dhintay 14 Feberaayo 270.

Wixii intaa ka dambeeyey waxaa Madhabta Katooliga ee kristanka u aqqoonsatay maalinta jaceylka aduunka, kadibna waxaa ku raacay madhabta protestanka in la xuso sanadkasta 14 Febarweri.

14 febarweri sanadkasta waa maalinta ugu gogol-dhaafka badan aduunka, waa maalinta ugu badan ee ay dhacaan Sinada, Faxshiga iyo Fusuqa, waxaana bata caruurta garaca ah.
Rasuulkeena SCW, wuxuu yiri: Ciidi cid isku shabahda iyaga ayey ka mid yihiin .. Xuska maalintaani wuxuu ku saleysanyahay Baadari dhaqan xun oo kiristaanka u horseeday fusuq iyo ansha-xumo, mana aha in Muslimiintu ku dayato.