Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Fooda la iskula jira .. Deni Oo Kubad Laaday .. Farmaajo Oo Diiday Ajnabi Loo Dhiibo Bangiga Dhexe .. Kheyre Oo Hadal Ka Keenay .. Zeynab San-dheer Oo Orod Iyo Durduro Ku Soo Galeysa Mogdisho

Friday - Feb 15, 2019


Waxaa la xoojinaya warar hadal hayn xam-xam ah oo tilmaamaya in magacaabidi gudoomiyaha Bankiga dhexe u markaan khilaaf ka taagnyahay, gaar ahaan waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo u ka baxay axdigi balan-qaadka ay hore isla galeen Kheyre ee ahaa in Bankiga loo dhiibo Ajaanib .. waxayna khilaafku ka bilawday kadib marki PM Kheyre u yeertay gudoomiyaha Bankiga dhexe mudane Bashiir Ciise oo lagu amray in isaga iyo Tobanka sarkaal oo isaga la maamula Bangiga ay xilka u wareejiyaan Mr.Nigel Robert iyo kooxdiisa

Sida la xusay laynka Khadka ka hadalka magacaabida Bankiga Dhexe waxaa isna soo dhex galay oo hadalo Qunbulada ah si daayey madaxweynaha Puntland Saciid Deni isago u taab-taabtay Farmaajo sidu xaal yahay, isla markaana dareensiiyey hadal dardaaran ah iyo halka boogtu tahay, wuxuuna ku yiri: Madaxweyne Farmajo waxaan aan rabno ee aan Afka ka leenahay iyo sida wax loo wado waa Kaaf iyo Kala dheeri .. Shacabka reer Puntland waxay ka war-hayaan khamaarka dagaal dhumaaleysiga ah ee u ciyaarayo Kheyre iyo farsamada u gaarka ah u ku shaqeynaayo ee aragtidiisu siineyso in beel heblaayo yeysan qoondaha Bangiga helin taaso aan ahayen ayuu yiri arin aan meel mareyn, balse khasaare culus iyo muran badan reebta, booskaan cidey noqotaba somali baa leh oo ajnabi meel ugama banaana .. Ummada waxay isku afgartaan oo ay ku kala socdaan hadba wixii ay dhigtaan oo xeer iyo sharci ah ayuu Saciid Deni hadlkiisi ku soo xiray.

Warka oo gaaray Madaxweyne Farmaajo ayaa arinkaas iyo xisaabta marku dib u rogrogay laf dhuun gashay ku noqotay, kadibna wuxuu u yeeray Kheyre oo ku yiri: fikirka iyo taladu waxay tahay bal arinta xulashada madaxa Bankiga dhexe intaan qalinka lagu duugin, bal guux baa ka jire ee dib noogu dhig, maxaa yeelay ayuu yiri, waa xaajo adag oo masiirkeena saameyn-karta oo u baahan in si dhaba loo lafa guro .. Kheyre oo sida caadada ahaayed aan farmaajo uga baran waxuu u keeno ku khilaafin ayaa soo jeedintaas ka booday murana ka keenay, ugu dambeysna irida ka baxay isagoo xanaaq darti bushimaha ruugaaya .. shaqaalaha xafiiska Kheyre ayaa laga soo xigtay in la arkay isagoo si uun wajigiisa u siloonyahay oo u ekaaday Kaba Caseye Ceel gaabta joogta. 

Warku yuusan ila tagin oo ila taraarine, Gari laba Nin guusha uma sinto, sidaa daraadeedna illa hadda lama garanaayo halka jaaha-wareerka ciyaartu ku dhamaan-doonto iyo cida loo raajixin-doono in Wiishku la go'ayo iyo haddi Marwada Aan jixin-jixin Zeynab San-dheer Isir la ah kheyre oo hadda safar dibada ku maqan ay ka soo laabato oo dabadeed Waawaan dhinacyada ka gasho sidi meel laysgu beyri-lahaa oo danta guud laga raaco, amase ay dhici-karto intey Farmaajaha Kelyo jilicsan wax ka dhaadhicin ku soo xakameeyso dabadeed majaraha u hadda haysto badasho oo ugu dambeyn dhinaca Kheyre la safato iyo adeer Saciid Deniyo lagu yiraahdo ariboowe Jaanis kale iyo wixii aad horay u taabsateen ha idin ku filaadeen