Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Farmajo: Uhuru Kenyatta Durbaan-Beenaad Buu Garaacaya Oo Malaha Mucaaradki Somaliya Baa Ku Mala- Habowshay Wax Aan Sal Iyo Raad Lahayen

Sunday - Feb 17, 2019


Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariidada ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso Badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka Badda ee hortaalla maxkamadaha caalamiga ah ee Adudunka ee Hague. Waxay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madax-bannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay inay Soomaaliya bixinayso xirmooyin Bad ay lahaan karto Kenya. Waxay sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xirmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xirmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso.

Soomaaliya waxay sheegtay inay u ballan-qaadayso Kenya inaysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaarto. Soomaaliya waxay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaarto inay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda.

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya inuu ka baxo Kenya iyadoo aan wax la tashi ah la samaynin dalwadda Soomaaliya.