Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Caalamka Islaamka .. Dacwad Cajiib Ah Oo Dhacday Waqtigi Cumar Ibnu Khidaab RC Iyo Wanaaga Ay Ku Dhamaatay

Monday - Feb 18, 2019



Saddex Qof waxay hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah, waxey ku yiraahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Dilay Aabaheen.

Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.

Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahay Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel Daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqay Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatay markaas buu ku Dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatay oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.

Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka dilka

Ninkii baa yiri:- Amiirow Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i Disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.

Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaaya?.

Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta, markaas buu yiri:- Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.

Cumar wuxuu yiri:- Abuu Dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?

Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow.

Cumar waxaa uu yiri:- Adigu Ninkaan ma Taqaanid, haddii la waayo hadde ogow Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).

Abuu Dar wuxuu yiri:- Waa run aniga Ninkaan ma garanaayo, laakiin haddu yiri ii damiino waan Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.

Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoodeen saxaabigi Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).

Haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray xilligii ay Qorraxdu dhaceysay oo Abuu Dar ayaa la sugayaa in xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee, balse ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog oo Saxaraa ah waxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaal-keyba Abti-yaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.

Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.

Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:- Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.

Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.

Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma Qabno.

Cumar ayaa Su’aaley Wiilashii oo ku yiri:- Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.

Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.