Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Maxay Tahay Jaceylka Maanta Loo Qabo Axmed Madoobe Iyo Ceelka Macaan Ee Loo Hayo .. R/W Kheyre Iyo Fahad Yaasiin Oo Booqasho Ku Tagaya Jubaland

Monday - Feb 25, 2019



Warar kala duwan iyo ilo muhim ah oo weli in la si hubsado u baahan oo soo gaaray shabakadaan ayaa sheegaya in wafdi u hogaaminaayo Raiisal Wasaare kheyre ay maalmaha soo socda gaari-doonaan magalada kismaayo, kalkaaso sida la sheegay ay shir khaasa iyo xod-xodosho ku kula qaadan-doonaanaan Kheyre iyo Axmed Madoobe, waxaa kalo la xusay safarka kheyre inu ku waheliyo Fahad Yaasin oo waayahaan dambaba dabino sir hoose ku xir-xiraayey magaalada Nairobi, laakiin war kale oo warkaan dhinac socda ayaa tilmaamaya in booqashadaas Kheyre dib loo dhigay oo Axmed Madoobo isagu laftiisa u maalmaaha soo socda mogdisho tagidoono kadibna madaxweyne Farmaajo ay isu raaci-doonaan magalada Garoowe ee Puntland.

Arintu si kastaba ha noqote Booqashada Raiisal Wasaare kheyre hadeyba dhacdo iney jirto dabolka lagama qaadin ujeedada safarkiisa iyo sirta qufulan ee ka dambeysa tagi-taankiisa, waxaase la maleynaya in kulankooda u ku lug leeyahay arima la xariira iney wada shaqeyn iyo inu Axmed Madoobe ka soo dago salanka dheer u fuulay dabadeedna labada dhinac dhex marto wada shaqeyn muuqata iyo halkey danta guud ku jirto, laakiin dhinac kale oo iyagana u dhun-daloola safarka kheyre u ku tagayo kismaayo waxay safarkaas ku xariirinayaan in u jiro is-bahaysi iyo xulufeysi hoose iyo dan gaara oo dhex marta kheyre iyo Axmed Madoobe kuwaaso doonaaya iney xarig qofba meel ka guntay isu dhiibaan, waxaase la odorosaya Rag waa lama maleeyaane in labaduba miciyaha ay waabaayo ugu laabantahay oo la isla gaadaayo dabino shaqlan, koleyba warka waxaa loo badinaya in Kheyre damac iyo qalqaalo ugu jiro sidi mustaqbalka u ku qaadan-lahaa Taajka madax-tinimada Somaliya sidaa daraadeedna u baadi goob ugu jiro in u helo siyaasiyiin ugu heesta heeso u Eg kuwi kacaanka iyo Hebelow kheyrow ma daale.

Horay farmaajo iyo kheyre ayaa maamulada qaarkood oo ay ku jirto Jubaland Calan Cas loo taagay oo muddo halkaas is waa-waabin amar diido iyo khilaaf ka taagnaa.