Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Masuul Ka Tirsan Hayada Wardi Relief Organization Oo Goor Dhaw La Dilay

Tuesday - Feb 26, 2019


Mogdisho- Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ku dilay magaalada Muqdisho masuul ka tirsanaa howl-wadeenada heyad maxali ah oo lagu magacaano WARDI.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada NBC ee Degmada Hodan ka dib markii dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen masuulkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, waxaana goobta gaaray oo baaritaano ka wada ciidamada amaanka.

WARDI Relief Organization waa heyad samafal oo wadani ah kana howlgasha qeybo ka mid ah Somalia, iyadoo inta badan ka shaqeysa daryeelka iyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waana NGO qandaraasyo ka qaata heyadaha caalamiga ah.

Ma Jirto cid sheegatay dilkan oo ku soo aadaya xili maanta duleedka magaalada Muqdisho lagu laayey dad gaaraya Sagaal qof oo rag iyo dumar isugu jiray kuwaasoo howlo nadaafadeed ka shaqeynayey ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley weerar ku soo qaaday.