Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Beeney Waa Run .. Alshabaab Oo Sheegtay Iney Qaar ka tirsan Dableydi Weerartay Al-Maka Mukarama Ay Iyagoo Bad Qaba Dib Ugu Soo Laabteen Fariisimahoodi

Friday - March 1, 2019


Howlgalkii ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al Mukarrama ayaa soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, Iyadoona Xarakada Al-Shabaab ay si hordhac ah kaga hadashay weerarka ay ku qaaday dhismahaasi.

Afhayeenka ciidanka  Al Shabaab  Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa,

“Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhamaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badanyihiin xubnaha ka tirsan hay’adaha kala duwan oo Dowladda ah. Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Afhayeenka ayaa warkiisi raaciyey oo yiri: Afar kamid ah Ciidamadeena hawlgalka fuliyay ayaa goobta ku shahiiday halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay  ay soo fuliyeen.