Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Garmaqaata-yaashi Sheydaanku Horkacay Ee Gabdhaha Gaalkacyo Hadba Goon Ka Jabiyey Is Jiid-Jiid Kadib Gawrac Ku Jiideen Oo Xukun Dil Lagu Riday

Saturday - March 2, 2019



Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolka Nugaal- Garoowe ee Puntland ayaa dil toogasha ah ku xukuntay 5 eedaysane oo loo haystay iney kufsi wadareed ka gaysteen Gaalkacyo.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo goor dhowayd shir-jaraaid ku qabtay Garowe, ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday 5-ta dhalinyaro.

Xeer ilaaliye ku xigeenka oo ka hadlaayey go'aankaa maxkamada, wuxuu sheegay Afar eedeysane in lagu qabtay magaalada Qardho, halka eedeysanaha Shanaad ay ciidanka amniga ka soo qabteen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ah goobta uu kufsiga ka dhacay .. Xeer ilaaliyaha ayaa si cadeyn ah carrabka ugu dhuftay in cid walba oo ay ku caddaato kufsi in dil lagu xukumi doono, isagoo marka uu u digay waalidiinta .. Kiiskaan lama xariiro kufsigi dhawaanta ka dhacay Gaalkacyo ee lagu gawracay Caaiisha ilyaas