Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Habar-dugaag Iyo Neefka Hilbihiisa Oo La Qaybiyey .. Boqor Libaax: Barka Soo Hareyna Barri Baan Dhameynaya, Bililiqaduna Reeban

Saturday - March 2, 2019



Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid Habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaarsadeen oo disheen neef Geel ah .. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yiri: ciidanku waa badan yahay, neefka barkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, barka kaloo dhan wada qaado.

Libaaxii oo isagu isla rabay inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hara ay Habar-dugaagoo dhan wadaagaan ..  Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna Dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, neefki hilibkiisii qaybiso.

Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tiri: Boqoroow ku wada siiyaye – neefka wada qaado.
Libaaxii oo qaybinta Dawacada ku qancay ayaa Dawacadii ku yiri: yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray? ka dibna waxay tiri: isha Dhurwaa ka laalaaddaa i bartay.

Maalinkii danbe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaca-na la joogto ayey neef Geel ah disheen .. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney ka hadasho baahideeda.

Waraabihi oo jawaabti ay dawacadu libaaxi siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa ayaa Dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo, ayadoo gaajeysan ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco waxa loogu sii daray, Cad Baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh si Habar-dugaagi goobta lagu casumay ay u moodaan iney wax cuntay