Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

iLhaan Oo Gees Wiyil Yeelatay .. iLhaan Cumar Oo Is Difaac Sutida U Qabatay Weerarka Lagula Xariiriyey Daaraha Mataanaha Ee 9/11

Monday - March 4, 2019



Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay sida loola xidhiidhiyay weerarkii daaraha mataanaha ee 9/11
Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawirka lagu dhajiyay baarlamaanka Jamhuuriga ee galbeedka VirginiaIlhaan Cumar ayaa cambaareysay sawirka lagu dhajiyay baarlamaanka Jamhuuriga ee galbeedka Virginia
Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii.

Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga dukaan ku yaalla xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia.

Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada.

Sawirka ay Ilhaan cambaareysay oo Jimcadii lagu arkay xarunta baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston ayey ka muuqdeen sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”.

Ilhaan ayaa sawirkan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo halista iyada ka dhanka ahIlhaan ayaa sawirkan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo halista iyada ka dhanka ah
Jawaabta ay arrintan ka bixisay ayey ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista.

“la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi.

“Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”.

Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay.

Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.

Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo.

Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska.