Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Dagaal Waa Laysa Soo Galay .. Muslimiinti Ku Nooleyd Dalka New Zealand Oo Xagjiro Kacay Xasuuqayaan

Friday - March 15, 2019



Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta .. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex ruux oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen Masjidka Al Nuur.

Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.
sidoo kale waxaa Wax-yeelada soo gaartay ruux magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay, waxaa isna dhintay oo la xusay Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lix sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce. 

Dhinaca kale waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo laga helay ninkii cunsuriga Caddaanka ahaa ee ka danbeeyay weerarkii lagu laayey dadka muslimiinta ah ee ku tukanayey laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand .. Booliska ayaa weerarkan u qabtay saddex qof oo ninka dadka laayey u ku jiro, waxaana socda baaritaan xoog leh, iyadoo madaxda caalamka intooda badan ay si kulul u cambaareeyeen weerarkan marka laga reebo madaxweyne Trump .

Ninkan ugu weyn ee falkan naxdinta leh geystay ayaa lagu magacaabaa Brenton Tarrant, waana 28 sano jir ku dhashay dalka Australia, wuxuuna qoray qoraal dheer oo uu baraha bulshada soo dhigay sababta uu weerarka u qaaday, isagoo sheegay inuu ku dayday weerarkii uu qaaday ninkii la oran jiray Anders Brevik ee ka dhacay dalka Norway dalka Norway 22 July 2011 kaasoo laayey dad ka badan 70 qof.

Waxaa yaab lahayd in ninkan uu si toos ah Facebook uga baahinayey xilligii uu weerarku ka waday masjidka Al-noor, dadkana lagu leynayay halkaasi, inkastoo markii danbe ay shirkadda Facebook ka saartay Video-ga boggiisana la xiray.

Waxaa kale la yaab laheyd intii weerarku socday ee uu sida tooska ah Facebook uga tebinayey falkiisa inay rasaastii ka dhammaatay oo uu gaarigiisa u soo laabtay, kadibna uu rasaas kale ka qaatay gaarigiisa isagoo dib u bilaabay inuu laayo dadkii masjidka ku jiray oo qaar badan oo ka mida ay daadsanayeen dhulka yaalleen.

Ninka weerarka geystay Brenton Tarrant ayaa qoraalkiisa dheer ee ka kooban 73 bog ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda xag-jirka midigta fog ee cadddaanka, isagoo taageeray Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump.

Ninkan ayaa dilay 49 qof oo salaadii jimcaha ku jiray, waxaana dhaawac ah ilaa 48 kale oo qaar ka mida ay xaaladoodu ay liidato, waxaana weerarkan uu noqday kii ugu weynaa ee ka dhaca dalka New Zealand oo aan looga baran weerarada noocan ah.