Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Ceebay Tacal Fadeexad .. Al-Jaziira Oo Kashiftay Sida iimaaraadka Carabta Ay U Dhaxal Wareejisay Dekada Berbera Iyo Garoonka Hargeysa

Tuesday - March 19, 2019



Warar habeen hore ay sii daysay, TV-ga caanka ah ee ka soo baxa Dalka Dooxa-Qadar, Barnaamij-kaas oo uu ku qaadaa-dhigaay maamulka xusbiga Kulmiye iyo sidda ay dalk gacantana u geliyey Tuugta Carbeed ee la yidraaho Imaaraadka. 

Wixii la dafiraayey ilaa 2010kii baa hadda sidi cadceedda u soo baxay .. waxay al-Jazeera kashiftay sidda wax loo kala sariftay, ninba intuu qaatay, cidda sidda tuugani-madda ah loogu xaawishay. cidda denbigaas ka masuul ah oo ay yiraahdeen, waxay kala yihiin:-
a) Baashe Moorgan oo uu siilaanyo Sodog u yahay, ahna ninka soo sameeyey xiriirka tuuga-nimadda ah ee dalka lagu dhacay.
(b) Maxamuud Xaashi oo xoolo boobkaas qayb ka ahaa  
((c) Muuse Biixi oo musuqaas wax ka sheer-gareyey    
( d) Samaale'e oo qayb ka ahaa
 
Siilaanyo illaah caafimaad ha siiyo'e, baa waxa la soo hor taagay, gurigii loo dhisay, isaga oo aan ogayn, markaasuu yiri "Gurigani muxuu ahaa? oo uu waydiiyey kuwii la socday oo uu ka mid ahaa Maxamuud Xaashi, Waxay ugu jawaabeen waa guri-gaagii, inta uu yaabay baa waxa uu yiri " Oo maxaa lay lahaa ma jiro musuq-maasaq xoolihii ummadda lagu boobay?", Waxa laga ganciyey markuu yiri: gelimaayo, waxa kuu soo direy lacagta lagu dhisay inamadaadda." iska daacad buu ahaa, oo markii uu xanuun alle ku yimi, baa haad iyo habaqle-ba la bilili-qaystay meesha.

Waxay al- jazeera ku soo xirtay warbixinteeda oo ay daaha ka rogtay, oo ka sheegta xaqiiq-dda, dibadana u soo saartay ceebaha la deday, sidda tan dekedda Berbera iyo saldhiga laga siiyey Imaaraadka khaayimiinta ah garoonka diyaaradaha ee Berbera. Waxay si tafatiran hal-hal ugu qeexday, in ay imaaraadku dalka dhaxal wareejiyeen, oo ay rabaana in ay dhamaan la wareegaan ilaha dhaqaale, iyaka oo laaluush aan yarayn kaga iibsanaaya,