Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Farmaajo Waxuu Moodaya Madax-weyninimadu In Ay Tahay Madaxtooyada Oo La Dhex Seexdo .. Ciidamadi Oo Ka Gadooday Hogaan Xumo iyo Mushaar La'aan Iyo Ajaanibti Oo Mogdisho Ka Sii Carareysa

Wednesday - March 20, 2019



Ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka degmada Balcad oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda .. Saraakiisha ciidamadan iyo qaar ka mid ah askarta gadoodsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay uga soo baxeen xaruma-hooda ay tahay markii ay waayeen mushaaraadkoodii iyo taakuleyntii kale ee ay ciidamadu ka heli jireen dowlada.

" Waxaan ahayn ciidamo dadkooda iyo dalkooda difaaca illaa iyo dowladii Cabdulaahi Yuusuf iyo wixii ka sii horeeyayba balse dowladaan mid nooga xun nama soo marin waxaan weynay mushaarkeenii iyo garaamkii askariga uu cuni lahaa."ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha u hadashay ciidamada.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxaa ay sheegeen inay la hadlayaan oo kaliya Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka.

" Kuma laabanayno illaa aan kala kulano Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada si uu noogaga qanciyo cabashadeedna."ayuu yiri mid kamid ah ciidamada ka hadashay shirka jaraa’id.

Gadoodkan ay sameeyeen ciidamada Milatariga ee gobolka Sh/dhexe ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kacaan waxaana laga dareemayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe fariisimaha ay ciidamada baneeyeen.

Gadoodka ay ciidamada xooga dalka sameynayaan ayaa ah kuwo ku soo badanaya gobolada Shabeelooyinka waxaana dhowaan gadood ay sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwo xoogga dalka ee qeybta 12aad ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaane ee gobolka SH/dhexe halkaa oo ay dagaal-yahano ka tirsan Al-Shabaab ay markiiba la wareegeen.

Dhinaca kale warar la xaqiijinaayo ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir iyo gaar ahaan in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane.