Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dunida Waa Sii Gadoomeysa Oo Gabi Ka Laalaada .. Ruush Iyo China Oo Taakeeyey Weerarki Trump U La Damcsana Venesuela

Wednesday - April 3, 2019


Sarkaal sare CIA-da Mareykanka oo sababo daahsoon magaciisa u qariyey ayaa dhawaan Qoral sira faafiyey oo tilmaamaya in Guutooyin ku dagaalama hubka gantaalada oo ka tirsan Ruushka iyo Shinaha ay si aan waabasho lahayen u buuxsheen gegeda diyaaradaha caasimada Karakaas oo markiiba gudaha u galeen dalka Venezuela, waxaana u sheegay in ay tahay marki ugu horeysay oo dawlada Shinaha ay ciidamadeeda qalabka sida geyso qaarad kale oo ka baxsan dalkeeda, talaabadaasna waxay si xooga uga careysiisay maamulka madaxweyne Trump oo si weyn uga hagoogmay xaaladaas oogmatay.

Waxaa warku intaa ku daraya in Trumpka oo lagu yaqaan nin aan u kala socneyn garta iyo siyaasada oo dhabti arkay iyo sida dheeshu u socoto u durbaba amar siiyey saraakiisha Mareykankaee Bentagonka kuna amray iney dajiyaan farsamadi iyo qorshihi looga hortagi lahaa daan-daansiga iyo soo gurgurashada is bahaysiga Ruush iyo Shiinaha ay ku soo galayaan qaarada Ameerika

Dhinaca kale ergeyga gaarka ee mareykanka ee loo magacaabay inu dabin iyo fitno ka shaqlo dalkaas Venezuela Mr. Elliot Abramas iyo wasiirka arimaha dibada mr. Mike Bombeo ayaa ku hawlan iney dalkaas xaga dawlada Colombia ka soo galiyaan ciidamo hubeysan oo Mucarad ah iyado ujeedadu tahay in dalkaas u galo xaalad qalaalaase, dil la dhex gasho iyo dagaal sokeeye oo marka dambe dawladu noqoto dawlad faashil ah, kadibna hogaamiye loogu caleemo-saaro ninka dibada wareega ee la yiraah Juan Guaido oo ku tala galkiisi u is lahaa Venesuela cirbaha jar u socon-weyday

Faliyaal arimaha siyaasada ee Ameerika ayaa warkooda ku cabiray in madaxweyne Trump wixii farta u saaraba tahay tacab khasaaro isla markaana usan lahayen awood u ku ciyaaro geemka maanta ka socda Venesuela, balse wixiisaba iyo aragtidiisaba ay kaliya tahay xaga ganacsiga oo dhan walba u jiidata .. khubaradaas ayaa si taxliil ah ku gorfeysay in saaxada Vensuella looga adkaan-doono Mareykanka oo ay ku dhici-doonto car juq dheh.