Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaylo Dhaan Fadhiga Looga Kacayo .. Madaxweyne farmaajo Oo Shir Aayo Ka Talis Ugu Baaqay Madaxda Maamul-Goboledyada

Saturday - April 6, 2019


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale isago kula hadlaaya khadka is gaarsiinta Casumaad u diray Madaxda maamul goboleedyadda, waxaana la sheegay doodo ay dhincayada oo nimba dhan u rogay kadib in la isku af gartay in qaranka la difaco ay ka horeyso in la wada yeesho taladiisa oo aysan shakhsiyaad gaara ku koobnaan .. waxaa la sheegay soo jeedintaas inkasto aqbalaadeeda shaki badan laga muujiyey, hadana waxaa la isla qaatay in Axdi ballan qaad la wada galo, isla markaana wada hadalku inti ayaamahaan ah la isla si wado

Madxweyne Farmaajo oo markaan murugo gashay kana ambaqaadaya xaalada dalka oo wax la sii eegto harin iyo meel-kasta Moqorafadi dawarsiga dawlada lala wareegaayey soo xirmeen iyo albaabadi dur-durka deeqaha dhaqaalaha la hakiyey ayuu ku wargaliyey madaxda maamul goboleed sida daraadeedna shirkaan u yahay mid muhim ah oo ka duwan shirarki hore .. Shirkaan ayaa ajeendadiisa guud diirada lagu saaraya Xaaladda Ammaanka dalka, la dagaalanka xag-jirka waalan ee Al-Shabaab iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo in dib loo saxo wixii qaladaad ee ka dhashay keeb la yuurarki.
Dhinaca kale war xaqiiqa ah ayaa tilmaamaya in beesha caalamka ay Farmaajo u sheegeen in xaalada dalka ay ka sii dareyso, sidaas awgeed aan la eegan-karin in xaaladu sidaas ku si socoto, waxaana la siiyey mudo ila biisha lulyo in wax qabad la muujiyo, hadi kale dantu noqon-doonto in somaliya dib loogu sameeyo wax la yiraah Tubta Tiigsiga ( Road Map)