Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dhurwaagii Trump Oo Weli Ku Yux-Yux-leynaaya ilhaan Cumar Markay Ku Tiri War Yur .. iLhaan Cumar Oo Ku Dhawaaqday Iney Halis Ku Jirto

Monday - April 15, 2019



ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aamusin doonin ka dib markii ay cambaarayn xoog badan kala kulantay qaabka ay uga hadashay weerarkii daaraha Maraykanka lagu qaaday bishii Sabtembar ee sannadkii 2001, dadka aadka u dhaliilayna waxaa ka mid ah madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa"Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha.

Hadal-qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump.

"Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda.

Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah.