Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Inaa Lilaahi Wa Inaa ileyhi Raajicuun .. Gudoomiyihi Hore Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanto Sabti Ah Nolashiisi Ku Soo Idlaatay Isbital Ku Yaal Garowe

Saturday - April 20, 2019




Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa Saaka oo sabti ah iyo ispital ku yaal magaladaas ay noloshisi ku soo idlaatay Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo si weyn looga yaqaanay degaanada maamulka Puntland .. Geeridu waa xaq oo waxaan nahay Dad iimaan leh oo ilaahay Raxiimka ahaa ee Cabdirashid Oofsaday baanu qadartiisa raali ka nahay oo eebe danbi dhaaf ugu tuugeynaa .. Cabdirashid togagi Janada eebahay tiisa ha u furo .. guud ahaan eheladi saaxibadi iyo Ubadku ka tagay samir iyo iimaan allaha ka siiyo

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynaayay degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ahaa nin si weyn qadiyada iyo horumarka puntland qayb kaga qaatay ereyo iyo ficilba astaana u noqday

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa soo noqday Guddoomiyihii hore Ee Barlamaanka Puntland, Wasiirkii hore Ee Howlaha Guud Ee Puntland iyo Wasiirkii Hore ee Kalluumeysiga Puntland.