Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Jeneral Bashir Oo Xanaaq Iyo Shaqo Ka Joojin Kula Dhacay Saadiq Joon .. Kheyre Itaal Sheeganaaya Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadistaa

Sunday - April 21, 2019


Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir .. Labadan Masuul ayaa waxaa ka dhaxeeyay Muddooyinkii ugu dambeeyay Khilaaaf xoog leh oo gaaray Heer Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Bashiir Maxamed Cabdi “Ameeriko” uu dacwad ka dhan Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Saadiq Joon uu u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Taliye Ameeriko ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Labo arin oo kala ah Inuu Xilkan iska casilo ama Awooda uu leeyahay Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo isku koobo isla markaana uusna soo faragalin awoodiisa.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Taliye Ameeriko u gudbiyay in Saadaq Joon uu ku hayo Bahdilaad iyo inuu la wareegay shaqadii Booliska Qaranka, isagoo madax u ah Booliska Gobalka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid inuu iscasilo Taliyaha, isgagoo sheegay in la kala maareyn doono Booliska Gobalka iyo kan guud ahaan Dalka.

Hadaba Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo saaxiib dhow ay yihiin Saadaq Joon ayaa kasoo horjeeda in Xilka laga qaado isla markaana dib loogu celiyo Nabad sugida.

Kheyre ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u balanqaaday in arrintan uu isaga xal ka gaari doono, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda uu kulan la qaato Labada Masuul si awoodooda loogu kala cadeeyo, khilaafna uusan kaga imaan Howlaha Ciidanka Booliska.