Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Caashaqu Waa Arami Kulul-Yahay ..Qisadi Jaceylka Romeo Iyo Gabadha Julia Ee Noqotay Tan Ugu Caansan Xanuunka Jaceylka Iyo Guuldaradiisa

Sunday - April 21, 2019


Waa Mid Ka Mida Riwaayadihi Shakespeare Oo Ka Tarjumeysa Qiiso Taariikh Run Ah Ee Horay U Dhacday .. Waa Riwaayad mataleysa Wiil la yiraahdo Romeo Iyo Gabar mgaceeda la dhaho Julia oo aad isu cashaqay .. Magaalo talyani ah ayey ku wada noolaayeen, waxaana jirtay carqalad weyn oo jaceyl-kooda xayireysay, taaso ah labadooda oo colaad ribatay dhex taalay .. Qoyska ay inantu ka dhalatay marnaba yeeli maayaan in ay ninkaa xididnimo iyo xiriir kale la yeeshaan. Xitaa isaga iyo inantu isma arki karaan waxay-se isku barteen gole xafladeed oo dad badani isugu yimid.

Romeo habeen walba waxa uu isa soo taagaa aqalka ay Julia deggan tahay daaqaddiisa, halkaas ayayna iska daawadaan oo isaga calaacalaan. Haddii la ogaado iyada iyo isagaba waa u ciqaab. Arrinta oo sidaas ah ayuu Romeo magaalada ku dilay nin ay dirireen oo ay gabadha xigto yihiin, dabadeed magaalo kale ayuu u baxsaday. Intii uu maqnaa ayaa inantii nin kale la siiyay, waxaana loo diyaariyay guur. Dabadeed jaho-wareerkii waxa ay cuntay walax lagu miyir beelo oo laba maalmood la suuxsanaanayo. Waxa ay u dan lahayd in la moodo in ay dhimatay oo xabaalaha lagu daro, dabadeed kolka ay soo miyirsato gacaliya-heedii raadsato.

Julia sidii baa lagu xabaalay. Ha yeeshee Romeo waxaa loo geeyay gacaladii in ay dhab u dhimatay. Isaga oo muraaro-dillaac ah ayuu carradiisii dib isugu soo daayay, waxa uuna soo iibsaday Sun si kolka uu xabaasha Julia dul tago isu dilo. Sidii buu yeelay oo qabrigii Julia ayuu dul yimid oo inta uu ka dul ooyay Suntii waabaayada ahayed cabbay. Bartii buu ku dhintay. Hadhow bay inantii soo miyirsatay, mise waxaa dul yaalla maydka ninkii ay dartii waxaas oo dhan u samaysay. Halkii bay iyaduna mindi is-gelisay oo nafta iska goysay .. Ha Ku Daayo Caashaqu

Maalintaas ayay labdadii qoys garwaaqsadeen colaadooda aan macnaha lahayni sida ay u galaafatay ubaxoodii, halkaas ayayna labadii cidood ku heshiiyeen. Labadii isu dhintayna isku xabaal baa lagu Aasay. Qisadaasi waxa ay noqotay ta ugu caansan xanuunka jacaylka iyo guuldarradiisa ..