Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Qiiso Lagu Cibrad Qaato : Wuxuu iga Tagay 30 Sano Baad jirta Oo Caruur Ma Dhaleysid

Thursday - April 25, 2019



Waxay Tiri: Waxaan ahaa gabar dhallin-yaro ah oo ku soo barbaartay Guri diin iyo dhaqan leh, waxaan gaaray 32 jir, wiil ayaa ii soo doonay dabadeed markaan heshiinay ayaa lagu yiri: Gabadhu waa qof weyn oo waqtigi guurka wey dhaaftay caruur badana dhalimeyso ee faraha ka qaad.

Waxaa noo yimid nin xaga wiilka ka socda wuxuuna noo sheegay in ay arinti doonista gabadha ka noqdeen, waxay runti igu noqotay arin adag, hasa ahaate waan iska samray .. waxaan aaday cimro xaramka barakeysan waana ku soo duceystay oo ilaahay soo baryey .. kolkii aan ku noqonaayey wadanki waxaan diyaarada isku aragnay saaxiibtey iyo ninkeedi oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin.

Kolkii aan nabad-nimid wadanki dhawr cisho kadib waxaa ii soo wacday saaxiibtey waxay igu Tiri: Wiilki diyaarada inala saarnaa ayaa doonaya inu ku soo doono aad baana ugu farxay .. Wiilki ugu dambeyn waanu heshiinay kadibna waa is guursanay .. Markiiba waan qaaday Uur, takhtarkana waan diiday inaan u tago si aan u ogaan waxa caloosheyda ku jira waxa u yahay .. Habeenki umulidda marki la gaaray waxaa ii yimid Hooyaday iyo Walaashay waxaan kala qaaday indhaha waxaana weydiiyey ma Wiil baa mise waa Gabar iyagoo ilmeynaya ayey dhaheen waxaad umushay Laba Wiil Iyo Gabar .. wuxuu ninki hore iiga tagay inaan ilmo badan u dhaleyn ilaaheyna waxa uu i siiyey markiiba Sadex ilmood oo mataano ah.
Ogoow: Qofkasta oo ilahay isku xira ilaahay ma dayaco wuxuuna ka arsaaqi meel uusan ka fileyn

hits Hits : 2300