Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ninka Yiri Cirka Ayaan U Baxaya Waa La Soo Celin .. Farmajo Oo Aqbalay In Uu Badalo Kheyre Oo Cali Baac-baaca Laga Subxaanaleysto U Dhiibo

Monday - April 29, 2019



War goordhaweyd oo duhurnimadii laga helay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, laakiin si buuxda aan loo xaqiiqsan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu badelaayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, laakiin lama cadeyn waqtiga iyo xiliga u talabaadaas qaadi-doono, sido kale lama hubo inu ka dhabeynaayo iyo in kale iyo beesha u duubka u xiraayo

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo badan gogoshiisa kula yeeshay siyaasiyiin caan ah iyo wax-garad ka soo jeeda bulsho-weynta oo maqaam iyo ixtiraam ku dhex leh mujtamaca somaliyeed ayaa arintaa badalka kula taliyey isla markaana ka codsadeen in shakhsiga u soo magacaabayo u ahaado mid aan ku hafan mawjadaha siyaasad ee saaxada oo fikir garasho iyo dabeecado lagu dhaqmo oo ah dadnimoy mudnaanta, isaguna dhiniciisa waa farmaaje gunaanadki aqbalaad wax u eg muujiyey.

Dhinaca kale waxaa warku intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Kheyre ay wada qaateen kulamo saacdo badan qaatay, waxaana shirkoodaas laga soo xigtay in Kheyre isago aan ku qanacsaneyn badalkaas u aqbalay in xilka laga wareejiyo .. Siyaasiyiin ka faalooday isbadalkaas imaan-kara waxay ku tilmaameen in Farmaajo badalka kheyre ay ku tahay isago sun oo kale cabay, lagamana yaabo ayey yiraahdeen inu wax ka wanaagsan keenaayo ma daama maxamed Farmaajo nooca shimbirka u la duulo iyo xulashada looga bartay ay tahay kuwa Cali Baacbaac oo kale aan waxba ahayen oo laga subxaanaleysto .. waase la arki-doona