Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Subxaan Allah Waa Qiiso Dhab Ah Kana Dhacday Jarmalka Iyo Masar .. Sadaqada Ku Daaweeya Cudur-kasta Xitaa Cansarka

Friday - May 3, 2019


Nin Masri ah oo ku noola magaalada Qaahira ayaa xanuunsaday waxaanu u tagay Shey-baar Takhtar Masri ah kadib waa la baaray wuxuuna u sheegay Takhtarki in mar dhaw xididada wadanaha ee dhiiga qaada xirmayaan, waxana looga qaban-karin Masar wuxuu kula taliyey hadey suuragasho inu tago Yurub halkaas u ka helaayo caawimaad xanuunkiisa ah.

Ninkii wuxu u tagay Takhtar ku yaala wadanka Jarmalka oo qaabilsan xanuunada ku dhaca wadnbaha wuxuuna la kulmay Takhtar .. Takhtarki ayaa baaray wuxuuna u sheegay in wax yar ay u hartay in xidida wadnaha wada xirmayaan, balse lagu sameyn-karo qalin taasna ay tahay boqolki 50 micnaha ama waa u dhiman ama waa u badbaadi .. Ninki aad bu u naxay wuxuuna ka codsaday Takhtarki in u ku laabto laba cisho dalkiisi Masar si u soo maca-salaameeyo ehelkiisi iyo qaraabadi qalinka ka hor ma daama u dhiman-karo, waana u ka ogolaaday Takhtarki, wuxuuse u sheegay inu soo dhaqsado.

Ninki wuxuu ku laabtay Masar, isago xaafadiisa u sii socda ayuu arkay Gabar meel hilibka lagu iibiyo agteeda qashinka lafaha ka guraneysa .. ninki intu istaagay ayuu suaalay Gabadhi sababta ay lafaha u guraneyso qashinka dhexdiisa, waxayna ku jawaabtay ciyaal-keyga ayaan u guraya oo aan laba sano hilib cunin waxay sii raacisay lafaha ayaan u kariya oo maraq uga bixiya.

Ninki intu naxay ayuu gabadhi ayuu ku yiri ina keen, wuxuuna u geeyey ninki hilibka iibinayey oo ku dhaw goobta qashinka wuxuuna ku yiri: Gabadhaan todobaad-kasta wey ku iimaaneysa ee wixii hilib ay qaadan-karto siih anaa bixinaaya lacgta .. Gabadhi intey faraxday ayey u duceysay duco qalbiga ka soo go'day oo tiri: Allow ku caafi oo ku siih waxaad jeceshahay inta aad nooshahay.

Ninkii laba cisho kadib ayuu tagay Jarmalka .. Takhtarki ayaa baaray intusan qalin ku sameyn ka hor si loo ogaado natiijada qaliinkiisa iyo meelaha looga sameyn lahaa .. Jawaabti natiijadi Takhtarki wuxuu yiri: Ninyahow waad isa soo daaweyse Takhtarke ku daaweeyey .. Ninki oo jawaabaya ayaa yiri: Takhtarow ma is daaweyn meel-kalana ma aadin .. Takhtarki waa u qaadan waayey wuxuuna ku noqotay fajiciso, wuxuuna ku yiri wadnahaagi iyo xididaadadi si fiican ayey u shaqeyaan ee yaa ku siiyey daawadaan .. Ninki ayaa yiri anaa garanaaya kan ii daaweeyey waana Allaah. oo markaan mid ka mida ummaddisa u naxariistay waa ii naxariistay .. ninki wuxuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey: Alxamdulilaah ilaahayba mahad leh kaas oo soo nooleeya lafaha markay burburaan oo duqoobaan.