Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ramadaan Kariim .. Beri Waa Soon Waa Ino Cibaado .. Waa Bishi Ugu Mudneyd Bilaha Oo Buruud-keeda Alla Bixiya

Sunday - May 5, 2019



Saaka waxan halkan salaan uga dirayaa dhamaan ummadda Muslinka Somaliya ee ku nool dacalada caalamka, aniga oo ugu tahniyaday-naaya bisha barakaysan, ugna khayrka badan bilaha oo dhan ( Waa Bisha Ramadaane), 

Waxana aan leeyahay Soon wanaagsan iyo cibaado suuban .. illaah ha inagala kulmiyo oo ha inaga siiyo Caafimaad, Khayr, Bash-bash, Barwaaqo iy Ajar inoo hogaamiya janadana, Casaawa-jaluhu ha inoogu deeqo barakadda bishan iyadda ah ee Ramadaan. 

Waxan si gaar ah Ugu hambaliyey-nayaa Bishan barakaysan walaalha, xaasaskooda iyo caruura-hoodda. waxa kale oo aan si la mid ah iyana ugu dirayaa akhrista-yaasha ku kala nool caalamka daafa-hiisa, wakhti ay ku jiraan-ba iyo meel ay ka joogaan-ba .. Waa bishii ugu mudnayd bilahoo, Buruud-keedda Allaa bixyee, oo beri waa soon waa inoo cibaado.

Waxa kale oo aan idiin sheegayaa, inta bishan lagu jiro barakaysan, in aan inta ramadaanka joojin doono qoraaladdii newska jogtada ee maalin-laha ahaa ee aan ka soo dayn jirey websitka .. hasa ahaate wixii muhiim news ah ee laga fursan waayo waan soo qorin, laakiin waxaan si maalin la ah idin soo gudbinaya Qoraalo taariikhi ah oo la xariirta akhbaarti Zamaanak oo inta badan ka hadleysa taariikhdi anbiyada iyo dhacdooyinki qisas lagu cibro qaato .. sidaas awgeed waxan idin-kaga tegayaa, idinkoo nabad ah iyo anaka oo nabad ah .. Waa ayaamal-khayre, illaahay-na, ha inaga qabto kuwa Dalkii iyo dadkii dhibka la doonaaya, ee hunguriga maxaad marisaan mooyee wax ay maamul iyo dawladnimo ka garanayaan aanu jirin.