Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Shirqoolki Iyo Dabinki Loo Shaqlay Imaam Shaafici Iyo Sida Saatirku U Dhaafiyey

Tuesday - May 14, 2019



Imaam Shaafici ilaahay Ha U Naxariiste, ayaa isagoo ardadiisa dhex fadhiya oo wax u dhigaya waxaa u timid Haweyney shaqaalo u ahayed (Jaariyad) waxayna meeshi ka tiri: Shiikhoow habeenkiina ma iga sineysaneysa maalintiina ma ardeyda ayaad u khdbeyneysa.

Imaam Shaafici ayaa si degan u fiirshay Haweyneydi sidoo kale Ardeydi wey naxeen waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku jawaabi-doono imaamka.
Imaaam Shaafici ayaa-se markiiba yiri: Jaariyad-yahay xisaabta aad iga dooneyso waa imisa ? .. Ardaydi ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday jawaabta Shiikha waxayna inta badan xirteen kabahoodi si meesha uga tagaan ma daama Shiikhoodi uu isku cadeeyey arin faaxiish ah.

Imaam Shaafici ayaase ardeydi u yeeray waxaana uuna ku yiri: waxaad iga soo qaadiin sida Timirta oo kale, inta macaan iga cuna laftana iska tuura isagoo ula jeeday cilmiga iyo wanaaga iga qaata, laakiin xumaanteyda iska tuura.

Iyadoo meeshi la joogo ayaa waxaa yimid Nin ordaaya waxa uuna Jaariyadi u sheegay in gurigeedu uu ololaayo dab ka kacay awgiis caruurteediina ay ku dhex gubanayaan.
Dhamaan ardeydi iyo imaam Shaafici ayaana ugu hormaray dadka isagoo caruurtii haweyneyda ka soo saaray aqalki gubanaayey.

Haweyneydi oo yaaban ayaa tiri: Shiikhoow iga raali noqo, Yuhuuda ayaa igula talisay in aan sidaas kuula hadlo si aan sharaftaada iyo sumcadaada dhulka u galiyo si dacwada aad fidineysana dadka uga cararaan.

Ardeydi ayaa markay hadalkaas maqleen waxa ay imaam Shaafici weydiiyeen sababta uu isku difiaaci-waayey? wuxuuna ugu jawaabay hadal xikmad badan waxaanu yiri: Haddi aan is difaaci lahaa, waxaad u qaybsami lahaydeen laba qaybood, qayb ii rumeysan-weysa oo iga tagta iyo Qayb i rumeusata baalse marwalba iga shakisan, sidaa darteed waxaan door biday inaan dhibaatada duudka saarto oo aan ilaahay arinkeyga u daayo, adikuna aad hal fikir noqotaan