Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Saatirka ILaah Baa Yiri Adoon Saalixa Ayaa Wacan .. Bal Gudooma Qisadaan Culus Ee Xiisaha Gaarka Leh Oo Kaa ilmeyn-karta

Friday - May 17, 2019



Julaybiib waxaa u ahaa Nin faqiir ah oo midabkiisu madaw-yahay, dheerarkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaalle ahaan, magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina.
Qabiilkiisa lama garanaayo wuxuuna Nabiga CSW ugu tagi jiray mariyihiisa oo jeex-jeexan, mana usan lahayen wax hanti ah marka laga reebo Kabaha u sito iyo Maryaha u gashan yahay.

Maalin maalmaha ka mida ayuu Nabiga CSW u yeeray kuna yiri: Juleybiiboow miyaanad guursaneyn? Juleybiib wuxuu yiri: Rasuulki ilaahayow yaa ii guurinaaya? Qurux, Jaah iyo xoola toona ma lihiye .. haddana maalinti Xigtay ayuu Nabigu SCW weydiiyey isla su'aashi shalay, waxaanu yiri " Juleybiibow miyanad guursaneyn .. Juleybiib wuxuu yiri:  Rasuulki ilaahayow yaa ii guurinaaya! Muuqaal, Xoolo iyo qurux toona ma lihi .. Maalinti xigtay ayuu haddana Nabigu sidii oo kale u weydiiyey, Juleybiibna sidii un buu ku jawaabay.

Nabigu SCW waxaa u ku yiri: Juleybiibow bax oo tag guri u lahaa nin Saxaabadi Ansaarta ka mid ahaa kuna dheh: Waxaa ii soo diray Rasuulki ilaahay waxaanu idin ka doonaya Gabadhiina si aan u guursado.

Markii hore reerkii waxay moodeen in Nabigu gabadha soo doonay markaasay isku dhaheen, cid uma diideyso gabadhaan Rasuulki ilaahay .. kadibna waxaa loo sheegay in Nabigu aanu naftiisa u rabin ee uu Juleybiib u doonaayo .. Gabadha Aabahed waxa u yiri: Ma Juleybiib-kaan faqiirka ah ee muuqaal iyo xoolaba aan lahayen ayaa gabadheyda soo doonay! Markaasu yiri: waxaan la tashanaya gabadha hooyadeed.

Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in Juleybiib oo ah dadka ugu faqiirsan magalada Madiina soo doonay gabadheedi ayey dhaaratay oo tiri: Gabadheyda oo aan u diiday Hebel iyo Hebel sidee buu u soo doonay Juleybiib oo aan Qurux, muuqaal iyo xoolo toona lahayen.

Gabadhi la soo doonay oo ahayed gabar mu'minad ah oo ku kalsoon ilaahay iyo rasuulkiisa ayaa waxay  ku tiri waalkeed aabe iyo hooyo ma waxaad celineysaan nin u soo diray Rasuulki ilaahay, eebaan ku dhaartee waan guursanayaa Juleybiib, markaasay sii raacisay hadalkeedii aayada Quraanka ah ee suurada Axzaab ku jirta no:36 Ee Micneheedy yahay: Kuma haboona Nin mu'min ah iyo haweyney Mu'minad ah marka Eebe iyo Rasuulkiisa wax xukumayaan iney khiyaar u yeeshaan amarkooda, Ruuxiise caasiya eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay lumid cad (Axzaab:36).

Gabadhi qalbigeeda iimaanku ka buuxay ayaa hadana tiri: Eebaan ku dhaartee Juleybiib waan guursan, Rasuulka ilaahayna ima dayacayo .. Markay gabadhi go'aankaa gaartay habeenki arooska ama dhawr casho kadib arooskii, waxaa yeeray alarm-qaylo dhaan loogu yaboohay dadkii mu'miniinta ahaa dagaal lagu dirirayo jidka ilaahay.

Juleybiib waa soo baxay oo wuxuu soo qaatay qalabkii u ku dagaalamaayey waana ka qayb galay dagaalki .. Marku dhamaaday dagaalki ayaa la tiriyey dadki muslimiinta ka geeriyooday (shuhadadi) kadibna Nabigi ilaahay ayaa weydiiyey Saxaabadiisi: Yaa maqan dadka geeriyooday? Saxaabadi waxay tiriyeen dadkii ay garanayeen waxayna ka tageen Juleybiib .. Markaasu yiri Rasuulki Eebe aniga waxaan weysanahay walaalkey Juleybiib.

Dabadeed waa la raadiyey Juleybiib oo waxaa la helay isagoo geeriyooday oo agtiisa ay yaalaan Todoba ka mid ah Gaaladi la dagaalameysay oo meyd ah .. Kolkaasu Nabigi ilaahay ooyey oo yiri:: wuxuu dilay Todoba, isagana wey dileen kani aniga ayuu iga ahaaday, anigana isagaan ka ahaaday waana ku celceliyey ereygaas Rasuulkii eebe dhawr jeer .. kadibna waxa u madaxii Juleybiib saaray dhabtiisa CSW.

Nabigu waxa u faray saxaabadiisa iney qabri u qodaan Juleybiib, waana loo qoday qabrigi lagu duugaayey saxaabigaan qaaliga ah .. waxaa la wariyey in inti la qodaayey xabaashi lagu aasayey juleybiib waxaa u saarnaa Nabiga jirkiisa daahirka ahaa bawdada Nabiga, kadibna isago aan la mayrin ayaa la duugay.
Gabdhi u ka dhintay Juleybiib oo ajiibtay amarkii Rasuulkii ilaahay ayadana waxa makay cido baxdeyba soo doonay saxaabadi waaweeynaa .. Nabigana Gabdhaas waa u duceeyey oo waxa u yiri: Rabiyow waxaad ku shubta ama ka buuxisa (Marawadi Juleybiib ka geeriyooday) kheyr shubis hana ka yeelin mid kadeed ah .. Eebana ducadi waa ka ajiibay nabigiisa SCW oo gabadhi waxay noqotay dumarka ugu xoolaha badan magalada Madiina.

*** Qiisada Saxaabiga Juleybiib ilaahay raali ha ka ahaade sahal yaan loo maleynin oo qiiso culus, waxaana ka fahmeynaa in uusan Qofka muslimka ahi eegin wax hanti ah ama qurux ee qofka u ku raaci-karo muslinimo