Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

ILaahay Wuxuu Yiri Ka Dhawrsanaada Wax Badan Oo Mala Ah .. Waa Qiiso Nin Dadku U Maleyn jireen Inu Khamriga Cabo Oo Sharmuutooyinka iibsada

Wednesday - May 22, 2019



Suldaankii Cusmaaniyiinti Turkiga ( Ottman) ee u dhaxaeysay waqtigi 1623 illa 1640, ayuu suu u joogay waxaa maskaxdiisa ku soo maaxatay inu magaalada u kuur galo oo soo eego xaalada nolosha dadka masaakiinta ah, saa daraadeed wuxuu u yeertay ilaaladiisi gaarka ah weyna isla baxeen .. waxay soo gaareen nawaaxiga faras magaalaha oo markaas mashquul ahaa, waxayna arkeen nin dhulka yaala oo cid eegeysa jirin .. Suldaanka ayaa soo dhul istaagay, balse ninku Meyd ayuu ahaa, mana jirin cid daneyneysa arimaha ninka dhulka yaal oo qof kasta hawlihiisa gaarka ah ayuu ku mashquulsana. 

Suldaanki ayaa qaar ka mid ah dadki wadada maraayey weydiiyey: Muxuu ahaa ninkaan dhulka yaala oo aanay jirin cid arimihiisa ka murugooneysa oo aaway reerkiisi? ..  waxay ku yiraahdeen: Ninkaan aad iyo aad ayuu Sakhraan u ahaan jiray waana uu Zineysan-jiray .. Suldaankii waxaa u yiri: Ka mid ahaan umadda Nabi Maxamed CS hadda igu caawiya inaan gurigiisa u qaado.

Dadki waxay suldaanka ku caawiyeen qaadista meydka, markii gurigiisa la keenay ayaa suldaanki iyo ilaaladiisa ay ku hareen guriga. waxay arkeen xaaskiisa oo ku kor barooraneysa meydkiisa oo leh: ilaahay ha ku naxariisto, Saaxiibki ilaahayow, waxaan marag ka ahay inaad ka mid ahayed kuwa dhawrsan .. Suldaanki oo la yaabay hadalka haweyneyda ayaa yiri: Sidee buu uga mid ahaa kuwa dhawrsan, iyadoo dadku ay ka sheeghaan wax aan wanagsaneyn, oo xitaa aany jirin cid ka fikireysa meydkiisa .. Waxay ku jawaabtay: taas waa mida aan filanaayey, ninkaan habeen kasta wuxuu u bixi jiray makhaayadaha lagu caweeyo, wuxuu soo iibsan jiray khamriga illa inta u awoodo, guriga ayuu keeni jiray waana u daadin jiray, wuxuuna igu uran jiray: muslimiin ayaan badbaadiyey maanta, sido kale wuxuu aadi jiray goobaha Dumarku ay ka ganacsadaan jirkooda, lacag ayuu siin jiray mid ka mid ah naagaha si ay u xirato albaabkeeda ila waagu uu ka baryo. isla markaa guriga ayuu ku soo noqon jiray, wuxuuna igu dhihi jiray: Maanta waxaan ka badbaadiyey haweyney da'yar dambi .. Dadku waxay arkeen isagoo iibsanaaya khamri iyo isagoo galaaya goobaha lagu Zineysto sidaas awgeed ayey dadku uga hadli-waayeen arimihiisa.

Haweyneydi oo hadalkii u wada suldaanka waxay tiri:  maalin ayaan ku iri: Marka aad dhimato ma jirto cid meydkaaga mayreysa, ma jirto cid cid meydkaaga ku tukan-doonta mana jirto cid meydkaaga aasi-doonta .. wuxuu igu qoslay wuxuuna igu yiri: Gacaliso ha cabsan, kuwa xaqa rumeeyey suldaankooda oo ka mida kuwa dhawrsaday ayaa meydkeyga ku tukan-doona .. Suldaanki ayaa bilaabay inu Ooyo. oo markaas yiri ilaahay baan ku dhaartaye run buu sheegay, aniga oo ah Suldaan ayaan berito meydka mayri-doona, ku tukan-doona waana xabaali-doona .. Wey dhacday sidaas oo Suldaankii, Culimadi, dadki dhahrsanaa iyo dad kale oo aaska ka soo qayb galay ayaa ku tukaday meydka.

Ilaahay SWT wuxuu yiri: Kuwa xaq rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaajuusina, qaarkiina qaar yuusan xamanin.