Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Dardaarankii Rasuulka SCW .. Toobad-keenka Ha Ka Caajisina ILa Sheydaank Iska Dhiibo Oo Aad Guuleysato

Wednesday - May 22, 2019



Nin ayaa waxaa wareeriyey Shiydaan, wuxuu markasta ku qalqaaliya inu dambi galo, haddana isagoo maskaxda kaga furaaya shuus iyo buuq ayuu ka hor istaaga inu Rabigiis markasta oo u qaldamo Tobad keeno oo wuxuu ku yiraahda: War heedhe miyaadan xishooneyn oo rabigaa ka cabsaneyn, shalay ayey ahayed markaad dambigaan oo kale ka Toobad keeneysay, maantana waad ku noqotay, ma Rabigaaga ayaad ku dheel-dheleysa.

Ninkii ayaa u yimid Nabiga SCW waxaa u ku yiri Rasuul Allow waxaa ii wareeriyey Sheydaan, oo waan dambaaba xaga toobadana Was-waas baan ku qaba.
Rasuulki baa yiri: Toobad Keen .. Ninki Baa Yiri: Rasuul Allow danbigi ayaan sameynaya mar kale
Rasuulka SCW ayaa yiri:  Toobad keen haddana .. Ninki ayaa yiri: Rasuul Allow ilaa gorma?
Rasuulka SCW ayaa yiri: ilaa u Sheydaanka iska dhiibo oo aad guuleysato.

Walaal ilaahay waa ogyahay inaad tahay insaan daciif ah oo mar walba Dambi dabaalanaaya , sidaa darteed ayuu wuxuu kuu furay albaabada Tobada waqti walba ee yaanu Sheydaanku kaa hor istaagin inaad Rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco.
Walaal hadaad dooneyso in lagu kordhiyo Maal, Caruur Iyo Barwaaqo, amase laga nabadgaliyo Balaayooyin iyo halaag waa inaad markasta Toobad-keenka badisa