Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Malakul-Mowdki Geerida Ee Loo Diray Nabi Muuse CS Iyo Sidu Rajo Uga Qabay Ka Hor Dhimashadiisa Inu Fuliyo Hawlo Iyo Xilal U Harsanaa

Sunday - May 26, 2019



Abuu-hurayrah Alaha Ka Raali Noqde, ayaa laga soo wariyey inu yiri: Malakul-Mowd baa loo diray Muuse oo la yiri nafta ka soo qabo, markii uu deyrka u soo galay una yimid oo ku yiri: waa la ii kaa soo diray. Muuse gacan ayuu u qaaday malakul-mowdkii oo garaacay oo hadana dibada u eryey. soco yiri

Malagii wuxuu u laabtay Rabigi oo u ashtakooday isagoo leh; waxaad ii dirtay Adoon islam sheeganaya oo aan dooneyn inu dhinto .. Alle wuxuu yiri;  u laabo oo u sheeg inu saaro gacantiisa dhabarka Wan, inti u ku qabto gacantiisa oo timaha wankaasi ah, waxaa lagu siin-doona sanad tin walba.
Muuse wuxuu yiri; Rabbiyow dabeeto maxaa xiga taas? Alle wuxuu yiri: dhimasho. Muuse wuxuu yiri; oo hadey saa tahay oo aan dhimanaayo ma hadda la iga qaado nafta?

Markii Muuse doortay inu dhinto wuxuu yiri; Rabiyow ii dhowee dhulka muqadaska ah masaafo meel dhagax looga soo tuuri-karo. Rabina waa ka yeelay oo waa halka nabigeena Maxamed s.c.w ka yiri; haddi aan joogi lahaa halkaas waxaan idin tusi-lahaa qabrigiisa ee ka hooseeya ciida gaduuda ee dhinaca wadada, waxaa kalo u Nabiga sheegay in markii loo qaaday micraajka u soo maray Muuse isagoo taagan oo ku tukanaaya qabrigiisa ciid guduuda agteeda.

Waxaa la wariyey in Muuse ka rajo qabay ka hor dhimashadiisa inu fuliyo hawlo iyo xilal badan sida inu ka saaro reer Banii israaiil walaahooga Tiiga iyo Wareerka iyo inu u raro arlada Muqadaska ah, laakiinse Alle wuxuu qadaray in muuse dhinto intii ay reer Banii israaiil ku jireen wareerka Tiha iyo walaahowga kadib dhimashadi walaalkii haaruun.