Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xikmadu Waa Baadi Ka Maqan Qofka Muslimka Ah .. Xikmad Aad U Qiimo Badan Oo Laga Dhaxlay Caalimki Weynaa Ee Shiikh Mohamed Metawali Shacraawi

Thursday - May 30, 2019



 Xikmadu Waa Baadi Ka Maqan Qofka Muslimka Ah .. Xikmad dhaxal gal ah oo laga soo wariyey mid ka mida xikmadaha u sheegay Caalimka Weyn Shiikh Mohamed Metawali Shacraawi, waxaa ka mid ah:-

1- Haddii Aadan Awoodin Hadal Xaqa Ah, Ha U Sacaba Tumin Baadilka (Xumaanta Iyo Gardarada).

2- Haddii Aadan Helin Ruux Laabta Xumaan Iyo Xiqdi Kugu Haya, Ogoow inaad Tahay Ruux Fashilmay.

3- Ruuxna Xukmin-maayo Boqortooyada Alle, ilaa Eebe Doonistiisa Mooyee.

4- Ha U Caabudin Eebe Inuu Wax Ku Siiyo, Ee U Caabud Inuu Kaa Raali Noqdo, Haddii Uu Kaa Raali Noqdana Waxaad Si Durdur Ah U Heleysaa Siismadiisa.

5- Haddii Aad Ku Aragtid Ruux Faqiir Ah Wadamada Muslimiinta Dhexdooda, Ogoow In Mid Hantiile Ah Uu Xaday Ninkaa Maalkiisa.

6- Ma Wal-Walo Ruuxa Leh Aabe, Sidee Buu u Wal-Wali Ruuxa Leh Rabbi.

7- Haka Wal-Walin Waxyaabaha Ay Basharka Kuu Maleegayaan, Haddii Ay Fogaadaan Waxay Fulinayaan Amarka Eebe.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW XAQA NA WAAFAJI).