Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhristayaasha Sharafta Leh Maalin Wanaagsan Idil Ahaantiin-ba .. Waa Wargalin Muhiim Ah Iyo La Socdsiin

Sunday - June 2, 2019


            Bismilaahi Waa Erey Hadal Lagu Bilaabo .. Alaahu Akbar Eebow .. Alxamdu-lilaahi Eebow
                        -----------------------------------------------------------------------------
Sune Weeye Salaantu Waa Sawdka Islaamka Waana Sooryo Gobeed .. Waxaan salaan gaara ku salaamaya ikhyaarta Akhrista-yaasha sharafta leh ee sida gaarka ah muddo ugu taxnaa casharadi silsilada taariikhda faca dheer ee islaamka lahaa kuna qontantay Wacdi iyo waano Diini ah ee aan Cinwaanka uga dhigay "Akhbaarti Zamaanka" iyo sido kale qisooyin lagu cibro qaato, taaso aan ugu tala galanay inaan idin ku waraabiyo biisha kheyrka badan ee Ramadaan .. Salaan iyo gudoon wacan ka bacdi adinkoo mahadsan waxaan idin ku wargalinayaa in casharadi maalmahaan shabakadaan Galdogob Times ku baxayey ee aad ku xirneydeen ay markaan intaas noga egtahay, waxaana inshaa Allaah ku soo laaban-doona sida caadada ahayed News Maalmeedki maalmaha ahaa oo no bilaabmi-doona Ciida kadib .. waxaan idin leeyahay ilahay Maamuska leh sida kheyrka ah ha noga dhigo Cilmi na Anfaca iyo Caafimaad ifka ah.

Walalayaa Akhristayaal, is gad-gadiska waqtiga iyo waayaha Dunidaan waa axwaal badantahay oo lagama dhamaado mixnadeeda iyo dhibaatooyinka uu Qofku dhex jibaaxayo, kuwaaso nolosha ban'aadamka ku yeesha saameyn dhinac walba sidaa daraadeed waxaan idin kula dardaarmaya inaad ogaataan: 
1- In wax kasta oo Macaan la Dhadhamiyey, lamana Arag wax Caafimaadka ka Macaan.
2- Walaalayaal, wax kastoo kharaar waa la dhadhamiyey, lamana Arag wax ka kharaar badan Dad inaad u Baahatid.
3- Walaalayaal, Wax kasta oo Culus waa la qaaday, lamana Arag Wax ka Culus badan Deyn aad Qof ka qaadatay.
4- Walaalayaal, waxaan soo Aragnay Dad Malqabeen ah, mana Aanu Arag Qof Maalkiisa ku Qanacsan.
5- Walaalayaal, Waxkasta oo kula colooba lama arag wax ka Cadowsan Naftaada
6- Walaalayaal, Dhar kii u Qurux badnaa oo aad soo Xirtay, lama Arag Wax ka Qurux badan Alle ka Cabsiga.
7- Walaalayaal, Labo Xusuusnoow intaad Nooshahay:- Xuska ilaaheey iyo Geerida.
8- Ugu Dambeyn Walaalayaal ifka waxaad shaqeysato ayaad aakhiro markaad dhimato ugu tagta ee kheyr iyo Wanaag markasta ku soo dabaala.
 
Waa qalinki: Maxamed Alihashi ( Cadawe) oo kuligiin idin leh Salama Salama
       E-Mail Mohamed [email protected]