Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Reer Kenya Waxay Qarsanayeen Ee Hoosta Laga Waday Oo Rabi Ka Dhawaajiyey .. Xildhibaan Keenyaan Ah Oo Ku Baaqay In La Ceyriyo Ganacsatada Somaliya

Thursday - June 27, 2019


Waxay u egtahay in ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan muranka badda maalin uun kadib markii maxkamadda caddaalada adduunka ay ku dhawaaqday xilliga ay dhagaysanayso dacwadda hortaala.

Xildhibaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee talada haya, aadna ugu dhow madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa, oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado tallaabooyin adag.

“Waxaan ku khasaarinaa nafta askarteena si aan u taageerno dowladda daciifka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Moses oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer.

Waxa uu sheegay in la gaaray xiligii laga aargoosan lahaa Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay dhawr arrimood in looga aargoosto Soomaaliya

1.In Madaxda iyo ganacsatada Soomaalida ee guryaha iyo gacansiyada ku leh Kenya laga eryo dalka

2.In la dhiso darbiga xuduudda
3.In la xiro xerooyinka qaxootiga

4.In madaxweyne Farmaajo oo uu isaga ku sheegay in uu yahay Muwaadhin Norwegian ah uusan cag soo dhigin Kenya.

Hadalkan ayuu xildhibaanka sheegay xili xabsiga loo taxaabay xildhibaan kale oo jeediyay hadalo kicin ah oo ku saabsan dadka ajaaniibta ah ee Kenya ku saabsan, balse weli ma jirto wax laga dhahay hadalka Moses Koria.

illo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo uusan soo marin hawada Kenya markii uu dhowaan safarka ku tagay dalka Koonfur Afrika, si uu uga qeybgalo xafladdii caleemo saarka madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Sidoo kale waxaa aad u yaraaday safaradii ay wasiiradda, xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale sida joogtada ah ugu imanayeen Kenya kadib markii garoonka Jomo Kenyatta laga celiyay wasiiro iyo xildhibaano ku safrayay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa talaadadii sheegay in aysan Soomaaliya kasoo qeybgali doonin shir Nairobi lagu qabanayay oo ay isku soo horfariisan lahaayeen dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland, kaas oo ay dhinac ka fadhiyeen ergo ka socota beesha caalamka.