Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Raga Magaca Guud Iyo Magta Waa Ka Siman-yahay Ee Subxaana-laah Ma Caga Baruur Kale Ayaa Hogaanki Somaliya Hunguriyeeyey .. Maxaad Kala Socota Ajeendada Miineysan Ee Kheyre...

Saturday - July 13, 2019



Inta Hadal Duulo Haad  Ma Duulo .. Xasan Cali Kheyre iyo horaanti markii loo magacaabay Raiisal Wasaare si halyey loogu yeero aan loo oran waa dameer, wuxuu talo ku qaatay inu sidi Goodirka u boodo iyo wax-kasta u rabo uu xoog ku meel mariyo, cid is hortaagi kartana jirin, dabadeed marku hamigaa maran isku qanciyey wuxuu bilaabay kibir iyo cid kasta inu cagta cagta u saaro, oo waa kii inta har cad gurigi Mucaarad Cabdi Shakuur soo weerary 7 wiil oo ka mida waardiyihiisi ku gawracay, isla markaana isagi waa cabdi-shakuure si dirqi ah dilki uga fakaday, sido kale waa kan isku dayey dilki senatoor Cabdi Qaybdiid iyo sheekada Baydhabo oo hadaan ka hadlo ay warbixintu nala sii tararaxeyso, isla markaa waa kan kibir iyo waa heli-kara ku cayriyey tiro wasiira ah oo yiri af-celintiina iyo falsafadiina waa guluf colaadeed , laakiinse arimahaasi been ayeey u sheegeen oo ugu dambeysti wax kasta qaab qaldan ayuu u maareeyey waana u shaqeyn-weyday, taaso keentay in cadaw loo jabo

Kheyre oo caado u tahay jiririqsiga ilkaha sidi qof ciil la jiifa, waxaa la xaqiijiyey inu yahay madax faluuq aan darajo garasho (IQ Scors) dheer lagu ogeyn, cuqdadna u si dheertahay aan horay wax loo dirsan jirin u maanta hogaanki daalka isagi noqday amase marooqsaday, wuxuu ka leexday dhabadi saxda ahayed, taaso keentay in xiriirki Fedaraalka iyo maamuladi gacmaha is haysatay ee wada socotay ay noqtay Tusbax go'ay, balse firig firig iyo Gobol walba meeshay naf mooday fooda saartay.

Xasan Kheyre oo muddooyin-kaan dambe maamulkiisa qabyaalad cilmiyeysan ku waday, hadda wuxuu la yimi sheeko cusub oo ku saleysan inu mustaqbalka Somaliya ka noqdo Madaxweyne, wuxuuna isku maaweeliyey in marxaladaan iyo xilkaas markaan ay u soo martay beesha Hawiye iyo waliba gaar ahaan isaga oo raba inu usha u ruxo, si taas ugu hirgashana wuxuu qorshihiisi ka bilaabay inu si xad dhaafa go'doomin iyo afduub xaqi dastuuriga ahaa iyo kaalinti awoodi Farmaajo ku laha dawladaas daciifiyo, lagana cabsi galiyey oo xitaa u diiday tashiga tolkiisa .. waxaa intaa dheer oo Xasan Kheyre si bareera ugu talaabsaday wax ka sheegiisa isagoo dabino u daadinaaya oo Rag kula xantay in Maxamed Farmaajo sixran-yahay una baahan-yahay culimo loo tuunsho Qardhaas lagu taxo, balse caqligiisu ka yar-yahay ilma caruura ..  

Dhinaca kale Xasan Kheyre oo waayahaan gobolada dhexe kormeer bar-bariiqasho ku mar-maraya ayaa ajeendadiisa hoos galiska ugu weyn ay tahay inu Odayaasha iyo Qorweynta habargidir si gaar-gaara iyo baryootan ugu marqaamiyo in hawsha ay maanta joogto: in la soo celiyo haybti iyo haybadi Hawiye iyo in loo baahanyahay in fikirka hawiye kala qoqoban meel laysugu keeno, isaguna waa Kheyre u hawshaas halyey Tol u noqonaayo .. Kheyre ayaa ajeendadaas u hoosta ka wato iyo damaciisa si gaara isku dayey inu ka gado odaaysha Habargidir, laakiinse waxaa igu maqaala in Rag ka mida kuwi la kulmay oo aragti il dheer leh ay yax-yax iyo yaab la qosleen halka kuwa kalana ay yiraahdeen: final Good Bay, kuwa kalana waxayba yiraahdeen Looge waa loo minan fadhiya
 
Gabagabo, Waa xilkasnimo darro iyo doqonnimo in lagu sheekaysto Kheyre iyo farmaajo dalka wanaag ku soo dabaalaya oo wax baa hagaagi iyo doorasho ayaa iman ee ha la sugo .. Taariikhda dunida la ma arag dal ay dawlad-nimadu ka xumaatay oo wax ku hagaajiyay Duco iyo Samir .. waa kacdoon bulsho oo qura waxa dawlad-nimo Qaloocatay lagu toosiya .. waxaa Bulshada Mogdisho iyo meelo kala-ba lagu dhex faafiyey laguna cabsi galiyey in haddi Kheyre iyo Farmaajo laga horyimaado dalku waa idin ka dumaya

Dhibaatada kale ee jirtaa waa iyada oo la waayay cid dadweynaha abaabusha oo codkiisa iyo doonistiisa midaysa .. Siyaasiga mucaaradka sheegta ee maanta jiraa kaalintaa si buuxda ayuu ugu fashilmay, Sidaas bay ku noqotay somaliya Dal ay kooxo danaysato ahi sida ay doonaan ugu tagrifalaan.
Dhinaca kale somaliya waxaa lagu abuuray jahawareer siyaasadeed oo aanu muwaaddinka caadiga ahi garanayn wax uu siyaasadda dalkiisa ku qiimaysto iyo aragti uu ku kalsoonaado.