Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hambalyo Raga Duula Ee Maylka Tiriya .. Ethiopian Airlines Oo Maanta Beerka Soo Dhigatay Keymaha Garowe

Monday - July 15, 2019



Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland markii ugu horreysay beerka soo dhigatay Airboorka Garaawe ee Siada Quruxda leh Ugu Gaadaaman Dhirta Keymaha

Garoonka ayaa waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne Deni iyo dadweyne soo dhaweynayay diyaaradda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilo ka hor magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuuna sheegay in uu heshiis la galay shirkadda, duulimaadna ka bilaabi doonto Puntland, gaar ahaan garowe iyo bosaaso

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa hore duulimaadyo ugu sameyn jirtey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.