Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Ruuxa Maanta Aan Weli Wax Ka Ogaan Diinta Muslimka Waa Mid Aan Xoolo Dhaamin .. Nin Muslim Ah Oo Tusaale Iyo Tusmo Fiican Ku Harqiyey Gaal Masiixi Ah illa U Muslimiyey Oohina Kaga Keenay

Friday - August 9, 2019


 Nin Masiixi faataa-dhugle ah ayaa beri gurigiisa ku qaabilay nin Muslim ah deeto wuxuu u keenay Canab wuuna cunay, kadib wuxuu u keenay Khamri wuxuuna ninki Muslimka Yri " Khamriga waa naga xaraan"

Masiixigi oo dhoosha ka qoslay baa warkii qaatay oo yiri: La yaab baad leedihiin Muslimiiney oo indho-adkaan mid baad Xalaaleyneysaan midna waa Xaaraan-timeyneysaan kuwaaso waa khamriga iyo Canabka uu midba kan kale ka yimi.

Ninki Muslimka ahaa baa markiiba si jawaaba u yiri "Xaas ma leedahay" kii kale ayaa yiri "Haa" 
Ninki Muslimka ayaa yiri "halkaan soo jooji" wuuna keenay .. Muslimki baa markale weydiiyey: Gabar ma leedahay? Suuye Haa .. Muslimki baa yiri" Keen iyadana halkaan" wuuna keenay.. Muslimki baa yiri markaa: Miyaadan u jeedin ilaahay midaan "Xaaska" ayuu ku baneeyey, midaana "Gabadha" waa ka xarimay oo tan "gabadha" ay ka timi midaan " Xaaska".

Masiixigi oo arkay xikmadaan tusaale iyo tusmo fiican ku soo aroortay ayaa markiiba si xashaash ah ula soo booday: Waxaan darajo mooday baan dib uga shalaayey .. waxaan qiraya xaqa oo Alle mooye ilaah kale jirin oo u Muxamed NNKH yahay Rasuulki alle