Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 18 August 2019

Taariikhdu Waxay Kaga Waranta Wixi Dhacay .. Qaabki Geeridu ugu Timi Geesigi Aan Gaban Jirin Ee Dood Adag Iyo Gabayaa Fiiro Iyo Faham Ku Ebyaneyd Maxamed Cabdule Xasan

Wednesday - August 14, 2019


Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa geesi aan gabasho aqoon, xeel-dheere diineed oo dood adag iyo gabayaa fiiro iyo fahmaba ku ebyan-yihiin .. Sayidku wuxuu lahaa shakhsiyad la yaab oo tayo sare leh, wuxuuna intu noolaa kor u hayey calankii jihaadka muddo sidaa u dheer 

Waxaa run ah inuu Sayidku ka dhiidhiyey Xukunkii Dalka Soomaaliyeed oo dad qalaad gacanta ku dhigay. Wuuna rumaysnaa inuu yahay waajibka sare ee qofka Soomaaligu inuu dhulkiisa xoraynta, una soo celiyo sharaftii iyo maamuuslcii Ummadda Soomaalida ay lahayd isticmaarkuna wax-yeelleeyay .. Sayidku waxay ula muuqatay in Daraawiishtu dagaalkaa ay ku leedahay safka hore, Sidaa awgeed waxaa xusuus gaar ah mudan IIMEY oo ah meeshuu Sayidku ku geeriyooday 1921-kii isagoo ku tala jiray inuu colal cusub isu keeno oo dagaalkii xoo-gaga gumaysiga uu kula jiray cusboonaysiiyo .. Iimay waxay ahayd meeshuu 30 sano ka hor (1891) uu qabsaday Ras-Mokanan naa'ibkii Boqorki MENELIK oo fadhi-giisu ahaa Harar si uu u cuna-qabateeyo xornimada Ummadda 

GEERIDII SAYIDKA 

Waxaa la sheegay in Saydka isago ag fadhiya laba nin oo mesago karsanaaya u qabtay wax caajis lagu tilmaamay, hasa ahaate inkasto uu is adkeeyey mar dambe ayuu galay aqalkiisa, kadibna waa jiifsaday .. nimanki gaarka ka ahaa wuxuu ku yiri "yaan la ii imaan" hasa ahaate duhurki dabadiisi ayuu u yeeray laba gabdhood oo walaalihiisa ahaa Jamaad iyo Raaxo wuxuu u sheegay inu xanuun hayo .. Casarki markay ahaydna wuxuu u yeeray Abshir Dhoore. Wuxuu ku yiri, «Galabta culays baa i saaran ee daraawiishta kala maamul. 

Makhribka gadaal-kiisiina labadii gabdhood buu iska diray oo wuxuu yiri, «Abshir Dhoorre ha ii yimaado .. Sida la weriyey Abshir wuxuu u tegey Sayidkoo naftu deysey. Markuu hubsaday inuu meyd 
yahay intuu maradii ku awday oo aqalkii daaha u rogey ayuu labadii nin oo gaarka ahaa ku yiri, «Aqalka yaan cidi gelin. 

Abshir Isla markaas wuxuu u yeeray dhawr nin oo qusuusidii daraawiishta ka mid ah si 
uu arrinta ugu sheego .. Raggaas waxa laga tilmaamy Sheekh Yuusuf Cabdille walaalkiis iyo Xuseen Faarax (Dhiqle) iyo Aw Cabdille Ibraahin .. ragaan oo talo ku baraahsatay hasa ahaate cuskaday raganinmo iyo calool adeyg iyo labo kelyood ayey in yar kadib waxay u yeercen dhawr nin oo tabar iyo farsamo aqoon la bidaayey, in warku dibadda uga baxana way ka af-haysteen, Isla markaana waxay ka hawl galeen xa-baashii .. in kastoo meeshu dhagax ahayd. Markay nin jooggi jooji'-yeen bay hoos qabrigii ka soo dhiseen, markaasey kaf-neen oo iilkii jiifiyeen, dabadeedna ku qori saareen, dabadeedna kuud hal mitir le'eg ka dul dhiseen, kolkaasay albaabkii dibadda uga ba- xeen oo daartii oo dhan malaaseen. In kastoo dadkii dusha sare joogey mooyee aan dadkii hoos degganaa gcerida Sayidka ogaan, laakiin subaxdii bay dadkii u sheegeen. 

Ummaddii Daraawiish ku abtirsan jirtey oo maalintaas meeshaas joogtey wexey noqdeen laba meelood: 

1. Wixii reer Shiikh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hari-karin waxaa loo raray Gindhir iyo gurigii reer Daari, had iyo jeerna waxa la yiraahdaa Sayidkaa ku dardaarmay, oo wuxuu yiri, Xaasaska waxaan ku ogahay reer Daari, halkaasoo ilaa dhowaan dad badan oo reer Cabdulla Xasan ahi ku dhaq- naayeen. 

2. Intii kale nin Bari iyo Nugaal u kaca iyo nin webiga shabeel- 
le hoos u qaada oo Talyaani u galay. Nin waliba meeshii ay 
la ahaatay ayuu nafta la aaday. 

Sayid Maxamad sidaasuu ku god galay, isagoo aan gumeysiga ga- 
cantiisa gelin. dhaqdhaqaaqii daraawiishtu halkaasuu ku dhammaaday,
 
Guubaabadii Sayidkana waxa ugu dambeeyey gabayga la baxay «Dar- 
daaran», aan soo qaadanno tuducya ka mid ah gabaygaas wuxu yiri: 

Daclow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan how yeelan 
Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorka yeelkiisa 
Nin ragey dardaavan u tahay, doqon ha moogaado. 
Dow lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane 
Waa idin dagayaa kujriga, aad u debcaysaane 
Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u goysaane. 
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye 
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine 
Marka xiga dalkuu idinka oran, duunya dhaafsada e. 
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraayee 
Mar haddaan dushii Adari, iyo limey dacal dhaaftay 
Maxaad igaga digataan beerruu, siin la soo digaye.