Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xulufadi Wax Wada walaaqaneysay Oo Is Sheeg-Sheegeysa .. Uk Oo Ku gacan Seyrtay Dalab Uga Yimid Mareykanka

Sunday - August 18, 2019



Maamulka magaalada Gibraltar ayaa diiday codsi uga yimid dowlada Mareykanka oo ahaa in aan la sii deyn markabka Grace 1 ee laga leeyahay Iiraan.

Markabkaan oo shidaal u waday dowlada Suuriya ayaa bishii July waxaa gacanta ku dhigay ciidanka badda UK, kaasi oo khilaaf xoogan ka dhex abuuray maamulada London iyo Tehran.

Gudiga midowga Yurub ayaa horay cunaqabateyn ku soo rogay maamulka Bishar Al-Asad oo ay ku eedeyeen tacadiyo ka dhan ah shacabka Suuriya.

Inkastoo todobaadkii hore ay soo idlaatay sii deysmada markabkaan ayaa hadane, maxkamada mareykanka waxay soo saartay Jimcihii shalay amar ah in la sii hayo markabkan oo ay la xiriirisay ciidanka Badda Iiraan .. Maamulka Trump ayaa diiwaanka Argagixisada ugu daray ciidanka kacaanka.

Si kastaba ha ahaatee dowlada hoose ee magaalada Gibraltar ayaa axada maanta ah sheegtay in aysan u hogaansameyn codsiga mareykanka marka loo eego sharciga wadamada Yurub.